26 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Walaac xooggan oo laga qabo istiraatiijiyadda cusub ee Shabaab ay la soo baxday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee la howl-gala ayaa si weyn uga walaacsan halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan istiraatiijiyadda cusub ee haatan ku howlan tahay, taas oo ay uga faa’iideysaneyso adeegsiga drones-ka.

Kooxda oo haatan xiriir toos ah la’leh Xuutiyiinta Yemen, ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysa qorshaha ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda drones-ka ee lagu rakibo walxaha qarxa ama loo adeegsado weerarro toos ah.

Khubarada ammaanka ee gobolka ayaa ka digay in kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab iyo Daacish, ay heleen qalab casri ah oo halis ku ah xasiloonida gobolka. Dalalka ku yaalla Geeska Afrika ee Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu boorriyay in ay si degdeg ah u xoojiyaan difaacyadooda cirka, si looga hortago khatartan sii kordheysa.

Moses Okello oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Ammaanka (ISS) ayaa sheegay in helitaanka drones-ka wax dila uu si weyn u dhaawici karo dadaallada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. “Kooxaha hubeysan wax heshiis ah uma baahna haddii ay heli karaan drones ay ku fuliyaan weerarro culus,” ayuu yiri.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa daaha ka qaaday in Al-Shabaab ay sanadkii 2024 xiriir la yeelatay kooxda Xuutiyiinta Yemen si ay u helaan hub casri ah iyo tababar la xiriira drones-weerar ah.

Xuutiyiinta, oo si weyn loogu yaqaan adeegsiga drones-ka lagu beegsado maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, ayaa la rumeysan yahay inay taageero toos ah siiyaan Al-Shabaab iyo Daacish, iyaga oo kaashanaya tababar iyo agab ay Iran bixiso.

Sida lagu xusay warbixin ka timid hay’adda Carnegie Endowment, xeebaha Soomaaliya ayaa hadda noqday marin muhiim ah oo lagu soo geliyo qalabka drones-ka, taasoo sare u qaadday halista weerarro cusub.

Taimur Khan oo ka tirsan hay’adda Conflict Armament Research ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah drones-ka FPV (first-person view) laga sameeyo gudaha Yemen, inkastoo qaar ka mid ah agabkooda laga keeno Iran. Drones-kan ayaa loo adeegsadaa weerarro ismiidaamin ah, kormeer iyo hawl-gallo toos ah. Waxaa la aaminsan yahay in Daacish ay durba adeegsaday noocan.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale shaacisay in lixdii bilood ee ugu dambeysay la qabtay shan drone oo ismiidaamin ah oo la tuhunsan yahay in Xuutiyiintu u direen Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la xiray toddobo qof oo lala xiriiriyay Al-Shabaab iyo Daacish.

- Advertisement -

Read more

Local News