28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sidee looga fal-celiyay go’aanka DF ay ka qaadatay kooxda C6+ ee Xalane?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay wakiilada beesha caalamka, gaar ahaan kooxda loo yaqaano C6+ ee degan xerada xalane, kadib markii ay dalbatay in gebi ahaan la kala diro kooxdaan.

Dowladda Federaalka oo xalay soo saartay qoraal ka kooban laba bog ayaa kooxda C6+ ku tilmaamtay koox duugowday oo aan waafaqsaneyn heerka siyaasadeed iyo hay’adeed oo uu maanta marayo dalka.

“Joogteynta C6+ sida aalad lagu hago siyaasadda dibadda waa mid duugoobay oo caqabad ku ah horumarka,” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Balcad oo warqad rasmi ah u diray wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya James Swan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in madashan oo laga hirgeliyay xilli uu dalku ku jiray xaalad nugul, ay wax u dhimayso madax-bannaanida Soomaaliya isla markaana muujinayso in dalka weli la kontoroolo.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan wixii ka dambeeya aanay kooxda C6+ farogelin karin arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan Soomaaliya ay dooneyso in ay dib u hanato doorkeeda caalamiga ah iyo in ay si buuxda ula wareegto hagidda siyaasadda iyo amniga gudaha dalka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka ay DF ka qaadatay beesha caalamka?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay go’aankan, waxaana inta badan ay soo dhaweeyeen tallaabada ay qaaday dowaldda.

Nuur Cabdiraxmaan: “Aad iyo aad ma jiran wax beel caalam la yiraahdo, waana waxa dalka halkan dhigay,Hassan Sheikh ayaa dalkan Madaxweyne ka ah”.

Cabdullahi Mahdi: “Haddii ay dowladu arrimaheeda ku filan tahay ma aysan maqnaadeen laba maamul iyo mucaaarad-ba”.

Ilyaas Cabdikariin: “Inkasta oo mowqifka dowladda uu yahay mid sharciyan sax ah marka la eego madax-bannaanida, haddana waxaa jira xaalado gudaha ah oo beesha caalamka u sahli kara iney sii joogaan, sidaas darteed,dowladda waa in ay wax ka qabataa caqabadaha gudaha si mowqifkeeda dibedda uu u noqdo mid la ixtiraamo”.

Cabdiraxmaan Macallin: “Ninki ku quudiyo ayaa qaraarkaada leh warka dhan intaas ayuu ku kooban yahay dowladda waxba yaysan madaxa darbiga la dhicin”.

Ciise Sheekh Cabdi: “War fiican ayaa idinka soo yeeray ee ka dhabeeyahee, sheekaduna yeeysan naga noqon in la’isku daro guux iyo olol”.

Maxamed Cali Ganey: “Warqad, loo baahnaa mar hore, hadana ku soo aaday xilli wanaagsan!”.

- Advertisement -

Read more

Local News