27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Mareykanka oo Shiinaha ka codsaday in uu ka hortago arrin ay damacsan tahay Iran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Axaddii ugu baaqay dowladda Shiinaha inay cadaadis ku saarto Iran si aysan u xirin marin-biyoodka Hormuz, kadib markii Mareykanku uu fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday xarumaha nukliyeerka Iran.

Hadalka Rubio oo uu ka jeediyay barnaamijka “Sunday Morning Futures with Maria Bartiromo” oo ka baxa Fox News ayaa yimid kadib markii warbaahinta dowladda Iran, Press TV, ay sheegtay in baarlamaanka Iran uu meel mariyay hindise sharciyeed ogolaanaya in la xiro marin-biyoodka Hormuz — halkaas oo qiyaastii 20% saliidda iyo gaaska caalamka ay maraan.

“Waxaan ku dhiirrigelinayaa dowladda Shiinaha ee fadhigeedu yahay Beijing inay arrintan kala hadlaan Iran, maadaama ay si weyn ugu tiirsan yihiin saliidda ay ka helaan marin-biyoodka Hormuz,” ayuu yiri Rubio, oo sidoo kale ah la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka.

“Haddii ay Iran sidaas sameyso, waxay noqon doontaa qalad weyn oo kale. Dhaqaale ahaan, waxay la mid noqon doontaa is-dil. Anaguna waan heysannaa ikhtiyaaro aan uga jawaabno arrintaas, balse dalal kale waa inay si dhab ah arrintaas u eegaan — waayo waxay si ka daran u dhaawici doontaa dhaqaalahooda marka loo eego kan Mareykanka.”

Rubio wuxuu sheegay in xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ay noqon doonto koror weyn oo dhanka xiisadda ah, taas oo keeni karta in Mareykanka iyo dalal kale ay si adag uga falceliyaan.

Safaaradda Shiinaha ee Washington weli wax war ah kama aysan soo saarin arrintan.

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in duqeymaha la beegsaday xarumaha ugu weyn ee nukliyeerka Iran ay ahaayeen kuwo “si buuxda u burburiyay bartilmaameedyadii”, iyadoo la adeegsaday 14 gantaal oo ah nooca qarxiya dhulka hoostiisa (bunker-buster bombs), in ka badan labaatan gantaalaha Tomahawk ah iyo in ka badan 125 diyaaradood oo ciidan ah. Tallaabadani waxay sii hurisay colaadda ka taagan Bariga Dhexe.

Tehran waxay ballanqaadday in ay isdifaaceyso. Rubio, oo hadalkiisa sii wata Axaddii, ayaa ka digay in Iran ay jawaab militari bixiso, isagoo sheegay in ay noqon doonto “qaladka ugu weyn ee abid ay sameeyaan.”

Mareykanka wuxuu ogolaanayaa in Iran ay yeelato warshado nukliyeer si ay koronto u dhalliso, balse ma ogola in ay iskeed u bacramiso shidaalka nukliyeerka, sida uu sheegay Rubio.

“Maamulka Iran waa inuu si dhab ah u baraarugo, oo yiraahdo: ‘Haddii aan si dhab ah u dooneyno tamar nukliyeer ah oo dalkeena loo adeegsado, wado ayaa jirta.’ Fursaddaas wali way furnaaneysaa, diyaar baan u nahay inaan berri la hadalno,” ayuu yiri Rubio.

“Ugu dambeyn, waa in ay go’aan gaaraan. Waa arrin aad u sahlan: haddii waxa ay doonayaan ay tahay in ay yeeshaan warshado nukliyeer si koronto u helaan — waxaa jira dalal badan oo sidaas sameeya, mana u baahna in ay iyagu bacramiyaan uranium-kooda — sidaas bay sameyn karaan,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News