26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

IRAN oo la shaaciyey in ay leedahay xarun Nukliyeer qarsoodi ah oo aan la ogeyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa ku andacooday in weerarro ay fuliyeen ciidamada Maraykanku ay “si buuxda oo dhammaystiran u burburiyeen” xarumaha ugu muhiimsan ee lagu hormariyo nukliyeerka Iran. Balse bishan, Iran ayaa ku dhawaaqday inay leedahay xarun kale oo lagu bacrimiyo uraniyum, taasoo ay ku sheegtay “meel ammaan ah oo aan la gaari karin,” isla markaana lagu bilaabi doono rakibidda centrifuge-yada si degdeg ah.

Ku dhawaaqistaas waxaa sameeyay madaxa Hay’adda Tamarta Atomiga ee Iran Mohammad Eslami, 12-kii Juun – wax yar kaddib markii Guddiga Sare ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (International Atomic Energy Agency, IAEA) ay cambaareeyeen Iran, sababo la xiriira ku-tumasho heshiiskii hufnaanta ee Xeerka Ka-hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (Nuclear Nonproliferation Treaty).

“Xarunta cusub waa la dhammaystiray waxayna ku taallaa meel ammaan ah oo aan si sahlan loo beegsan karin,” ayuu yiri Eslami. “Marka la dhammaystiro rakibidda iyo dejinta centrifuge-yada, howlgalka bacriminta ayaa si rasmi ah u bilaaban doona.”

Hadalkan lama filaanka ahaa weli lama helin caddayn rasmi ah oo taageeraysa sheegashadaas, sidoo kalena ma jirto meel si rasmi ah loogu magacaabay inay tahay goobta cusub. Sirdoonka reer Galbeedka ma aysan xaqiijin run ahaanshaha warkan, waxaana sidoo kale muuqan wax jawaab ah oo muuqda hay’adaha caalamiga ah ama dowladaha shisheeye.

Goobtan cusub ayaa la rumeysan yahay in muddo sanado ah la dhisayey, iyadoo Iran aysan weli u oggolaan Hay’adda Tamarta Atomiga inay booqato. Madaxa hay’addaas, Rafael M. Grossi, ayaa bishii Abriil saxaafadda u sheegay in “Iran ay nagu tiri: ‘Arrintaasi adinka idinma khusayso.’”

Xaruntan cusub, oo haddii la xaqiijiyo noqon doonta tii saddexaad ee Iran leedahay, ayaa la rumeysan yahay inay ku taallo dhul hoostiisa sida Fordo iyo Natanz – kuwaasoo xalay la weeraray. Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga in centrifuge-yo lagu rakibay iyo inkale, ama inay diyaar tahay, sida uu sheegay Eslami.

David Albright, oo ka tirsan Machadka Sayniska iyo Ammaanka Caalamiga ah (Institute for Science and International Security), ayaa qoray in xarunta cusub ay u badan tahay inay ku taallo koonfurta magaalada Natanz, hoosta buurta Kuh-e Kolang Gaz La – taasoo dhererkeedu gaarayo hal mayl oo ka sarreeya heerka badda, kana dheer buurta Fordo ku dhowaad nus mayl.

“Goobtan waxaa ujeedkeedu u muuqdaa inay noqoto xarun weyn oo lagu rakibo centrifuge-yo,” ayuu yiri Albright. Haddii xaruntaasi ay si buuxda u hawlgasho iyadoo la adeegsanayo centrifuge-yada casriga ah, ayuu ku qiyaasay in Iran ay awoodi karto inay saddex bil gudahood ku soo saarto uraniyum si sare loo bacrimiyey oo ku filan samaynta 19 bam nukliyeer ah.

Dowladda Iran waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay ka jawaabayso cadaadiskaas, iyadoo beddelaysa centrifuge-yadii duqoobay ee Fordo, lana isticmaalayo kuwa ugu casrisan. Si kastaba, lama caddaynin in isbeddelkaasi la hirgeliyey ka hor weerarkii dhacay.

- Advertisement -

Read more

Local News