Kampala (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ayaa xaqiijisay in ugu yaraan toddobo askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ay ku dhinteen hawlgal wadajir ah oo qaraar oo socday muddo saddex maalmood ah, kaasoo lagu doonayay in magaalada Sabiid-Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose lagala wareego maleeshiyada Al-Shabaab.
Askartan waxay qayb ka ahaayeen Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo loo xil saaray la-dagaallanka Al-Shabaab.
Weerarradii ugu dambeeyay ayaa kiciyay cabsi laga qabo soo rogaal-celinta kooxaha jihaad doonka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan xilli hawlgalka AUSSOM uu la daalaa-dhacayo ciidamo aan ku filnayn iyo dhaqaale yari.
Khasaarahan ayaa yimid intii uu socday go’doon saddex maalmood qaatay oo lagu hayay magaalo Sabiid-Caanoole, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Uganda, iyadoo intaas ku dartay in magaalada dib loogala wareegay Al-Shabaab.
“Nasiib darro, waxaan ku weynay toddobo askari intii uu dagaalku socday,” ayuu Afhayeenka Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda, Felix Kulayigye, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
“Waxaan ku ammaanayaa geesinimada ciidamadeenna halyeeyada ah ee AUSSOM-UPDF iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hawlgalkani waa qayb ka mid ah dadaalkeenna joogtada ah ee aan ku doonayno inaan ku wiiqno awoodda Al-Shabaab iyo inaan si buuxda u hirgelinno Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, kaasoo aakhirka horseedi doona in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.”
Taliyaha Qaybta Koowaad (Sector One), Gaashaanle Sare Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa ku tilmaamay Sabiid-Caanoole inay ahayd xarun weyn oo muhiim u ah saadka iyo qorsheynta Al-Shabaab.
Ilo-wareedyo militari ayaa xaqiijiyay in ka dib markii amniga magaalada la sugay, ay cutubyada AUSSOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka ay billaabeen inay xoojiyaan gacan ku haynta, ayna hadda ku hawlan yihiin hawlgallo daba-gal ah oo lagu ciribtirayo haraadiga dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku sugan guud ahaan Shabeellooyinka
Meydadka toddobada askari ee geeriyooday ayaa la filayaa in dalkooda Uganda dib loogu celiyo si loogu aaso iyadoo la raacayo maamuus qaran oo militari.
Uganda waxay door safka hore ah ka qaadanaysay xasillinta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, iyadoo ka hoos shaqaynaysa dallada Midowga Afrika.
Hawlgalka AUSSOM, oo beddelay ciidamadii hore ee ATMIS, ayaa hadda ka kooban 11,146 askari — inkastoo bishii Abriil uu sheegay inuu u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah.
Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa-dhacaysay kacdoonka Islaamiga ah ee rabshadaha wata, inkastoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida lagu qasbay inay difaac galaan sannadihii 2022 iyo 2023, kaddib hawlgallo ay wadeen ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika.
Weerarro dhowaan ka dhacay magaalooyin muhiim ah ayaa kiciyay walaac laga qabo soo noolaanshaha kooxda, iyadoo maleeshiyadu ay bishii Maarso beegsadeen kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.