27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa laga filaan karaa Axmed Madoobe iyo Deni oo lagu lamaaniyay Mucaaradka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii laba kacleyneysa, waxaan kasii daraya khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamullada dalka, gaar ahaan dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Dhinacyadan ayaa si weyn isugu haya hannaanka doorashooyinka ee 2026 iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG, taas oo dhalisay xiisadda haatan ka taagan dalka.

Hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo culus, iyaga oo toos ula saftay siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii taageero buuxda ay u muujiyeen Madasha Samatabixinta Mucaaradka.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa haatan kulamo ka wada magaalada Garoowe, kuwaas oo ay uga hadlayaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo hanaanka doorashada.

Qorshaha ugu wayn ee labada hoggaamiye ayaa ah in lasoo celiyo xiriirka labada dowlad-goboleed iyo in la iska kaashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka doorashooyinka ee soo jiitamaya iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Wadahadallada socda ayaa sidoo kale la rajeynayaa inay sare u qaadaan iskaashiga labada dhinac, dibna ay u dhisaan kalsoonida siyaasadeed iyo in wax looga qabto caqabadaha baaxadda leh ee horyaalla nidaamka federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla markaana qayb ka ah dhaq-dhaqaaqa mucaaradka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulamada ka socda Garoowe iyo midowga mucaaradka ku sugan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in arrimahan ay wax badan ka beddeli doonaan xaalka siyaasadeed ee dalka, ayna filayaan in dhowaan ay keenaan isbeddello waawayn.

“Kulanka Garowe ee JL & PL oo lagu lamaaniyey iskaashiga Madasha & xildh mucaaradka ee Xamar wax badan ayey maareyn doonaan dhowaan” ayuu yiiri Xildhibaan Sadiiq.

Villa Somalia ayaa dhankeeda sii wadda ololaha ay ku dooneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah, si u hirgeliso waxaana xalay arrintan sii xoojiyay Ra’iisul wasaare Xamza.

“Waxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo la’aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaase isha lagu wada hayaa natiijada shirka ay ku ballansan yihiin Madaxweyne Xasan iyo xubnaha mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News