Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan sagootin iyo istiraatiji ah la yeeshay Danjiraha xilka wareejinaya ee dalka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joachim Waem.
Kulankan oo ku qabsoomay jawi ay ku dheehan tahay ixtiraam iyo is qadarin, ayaa ahaa mid ka tarjumaya xiriirka iyo isfahamka ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Dalka Sweden, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa Danjiraha uga mahad-naqay booqashada uu ku yimid Somaliland iyo kaalmada ay dowladda Sweden u fidiso Somaliland, taasi oo waxtar ka geysata qaybo door ah oo ka mid ah baahiyaha bulshada Somaliland.
Mudane Cirro waxa uu Danjire Joachim Waem u sheegay in Somaliland ay tahay dal Qani ah oo leh khayraad badan oo kala duwan. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay soo dhawaynayso diyaarna u tahay in ay Iskaashi iyo wax-wada-qabsi la yeelato Sweden, gaar xagga horumarka, maalgashiga iyo ka wada-shaqaynta arrimaha amniga iyo xasiloonida gobolka iyo marrin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Madaxweynaha waxa uu Danjiraha Sweden u sheegay arrimaha wax-ku-oolka ah ee u qabsoomay xukuumadiisa muddadii koobnayd ee uu xilka hayay, sida qaramaynta ciidamada tirada badan ee madaniga ah, nabadaynta Gobollada Bariga iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibedda.
Dhankiisa, Danjiraha xilka ka degaya waxa uu Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland uga mahad-naqay soo dhawayntii iyo wada shaqayntii ay u fidiyeen mudadii uu xilka hayay, isaga oo caddeeyay in Sweden ay mar walba danaynayso nabadda, horumarka, iyo iskaashiga labada dhinac.
Sida oo kale, Danjire Joachim Waem waxa uu Madaxweynaha, Dawladda iyo Shacbiga Somaliland ku bogaadiyey nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay Somaliland, isaga oo sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland tusaale wacan oo ku-dayasho mudan u tahay mandaqadda Bariga Afrika.
Danjiruhu waxa uu tibaaxay in uu Dawladdiisa u gudbin doono warbixin rasmi ah oo ka tarjumaysa xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland.
Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha u sheegay in Sweden ay tahay saaxiib dhaw oo ay Somaliland leedahay, meelo badana wax kala qaban kara, sida arrimaha nabadda oo kale. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay Golaha Wakiillada ee dalka Sweden ku leedahay saaxiibo badan oo u dooda qaddiyadda Somaliland, kuwaasoo si joogto ah Danjiraha ula soo xiriira iyaga oo ku boorinaya in Somaliland wax lala qabto.
Kulanka ayey Madaxtooyaddu sheegtay inuu ahaa mid ku soo gaba-gaboobay guul iyo is-afgarad, iyadoo gaba-gabadii kulanka uu Madaxweynaha Somaliland uu guddoonsiiyey Danjiraha hadiyad ka tarjumaysa dhaqanka soo jireenka ah iyo agabka ummadda Somaliland.