26.9 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

IRAN oo weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Iran ayaa goordhow duqeymo gantaallo ah ku qaaday saldhigyo milatari oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, si ay uga aargudato weerarkii ciidamada Mareykanku ku beegsadeen xarumaha nukliyeerka Iran toddobaadkan, sida ay xaqiijiyeen sarkaal Israa’iili ah iyo mid Carbeed.

Labada sarkaal ayaa sheegay in lix gantaal lala eegtay dhanka Qatar, halka gantaal kale lagu weeraray gudaha Iraq, sida uu tilmaamay sarkaalka Israa’iili ah.

“Saraakiisha Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka waxay si dhow ula socdaan, isla markaana qiimeynayaan hanjabaadaha suurtagalka ah ee ku wajahan saldhigga Al-Udeid ee Qatar,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad oo u warramay warbaahinta Axios.

Baaxadda aargoosiga Iran — gaar ahaan khasaaraha ayaan illaa hadda la ogeyn. Si kastaba heerka uu gaarsiisan yahay ayaa noqon doonta waxa go’aamiya tallaabada uu Madaxweyne Trump qaadi doono, iyo in Mareykanku si buuxda ugu lug yeesho dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.

Trump ayaa la filayay inuu kulan degdeg ah la yeesho kooxda amniga qaranka saacaddu markay tahay 1 duhurnimo (ET), si looga arrinsado khatarta sii kordheysa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horey uga digay in haddii Iran ay jawaab ka bixiso weerarrada Mareykanka, ay la kulmi doonto “ciidan awooddiisu ka weyn tahay wixii lagu arkay weerarkii lagu qaaday saddex xarumood oo nukliyeerka Iran ah maalintii Axadda.”

Fiidnimadii Isniinta, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay si ku-meel-gaar ah u xiratay hawadeeda, sababo la xiriira kororka xiisadaha gobolka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in go’aankan uu qayb ka yahay qorsheyaal taxaddar oo ballaaran.

Saldhigga Al-Udeid ee Qatar ayaa ah xarunta ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Bariga Dhexe. Todobaadyadii u dambeeyay, waxaa laga daadgureeyay qaar badan oo ka mid ah diyaaradaha iyo shaqaalaha saldhiggaasi.

Dowladaha Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Shiinaha ayaa Isniintii soo saaray digniino ku socday muwaadiniintooda ku sugan Qatar, iyagoo ku amray in ay guryahooda ku sugnaadaan si taxaddar ahaan ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada Iran ayaa muuqaal uu baahiyay ku sheegay in “cawaaqib culus laga fili karo” weerarradii Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Fordow, Natanz, iyo Isfahan.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in go’aanka Mareykanka uu ku galay dagaalka uu “furayo suurta-galnimada in Iran bartilmaameed ka dhigato goobo dheeraad ah oo sharciyan la duqeyn karo.”

“Madaxweyne Trump, adiga oo ah khamaare — adigaa dagaalkan billaabay, annaga ayaana soo afjari doonna,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Iran.

- Advertisement -

Read more

Local News