26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xiisaddii IRAN iyo Kenya ee 1978 ee ay sababta u aheyd taageerada Soomaaliya

By Levin Opiyo
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Kahor inta aysan dhaqan-gelin xabad-joojin uu Mareykanku garwadeen ka ahaa, xilli gantaallo iyo bambooyin ay isku beddelayeen cirka Iiraan iyo Israa’iil, qaaradda Afrika waxay awoodday oo kaliya inay meel fog ka daawato loollanka ay quwadaha caalamku saameyntooda ku muujinayeen.

Tani waxay marka hore ku timid qaybsanaanta baahsan ee qaaradda, taasoo ka hor istaagtay inay cod mideysan oo macno leh ku yeelato dadaallada nabadda adduunka. Marka labaad, dalalka qaaraddu waxay ka taxadarayaan inaysan carqaladeyn xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ay la leeyihiin labada dal ee is-haya.

Tusaale ahaan, dalka Iiraan waa suuq muhiim u ah shaaha, hilibka ariga iyo bunka Kenya, halka Kenya ay ka soo dhoofsato Iiraan daamurka la isku qasay, dhuxusha batroolka iyo baastada. Dhanka kale, Kenya waxay isbahaysi istiraatiiji ah la leedahay Israa’iil, kaasoo ka kooban ganacsi, amni iyo beeraha. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka u dhexeeya Kenya iyo labadan dal waligiis kama marnayn xiisado iyo is-jiid-jiid, gaar ahaan xilligii Dagaalkii Qaboobaa, sida ku cad dukumiintiyo keydsan oo uu faaqiday wargeyska Weekly Review.

Xiriirka Kenya iyo Iiraan ayaa si weyn u xumaaday sanadkii 1978-kii, kaddib markii dowladdii Tehran, oo uu hoggaaminayay Boqor Shah Mohammad Reza Pahlavi, ay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya, ayna u yeeratay safiirkeedii. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Kenya dhaleeceysay siyaasaddii Iiraan ee ku aaddanayd Soomaaliya. Iiraan, oo isku dayeysay inay saameynteeda ku ballaariso Geeska Afrika, ayaa si buuxda u garab istaagtay dowladdii Siyaad Barre, iyadoo Boqorku uu ku gooddiyay in “Iiraan aysan gacmaha ka laaban doonin haddii ay ciidamada Itoobiya gudaha u galaan dhulka Soomaaliya.”

Xilligaas, Soomaaliya waxay dagaal xuduudeed kula jirtay dalka Itoobiya, kaasoo salka ku hayay gacan ku haynta gobolka Ogaadeen, waxayna sidoo kale isha ku haysay gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya, iyadoo raacaysay siyaasadeedii Soomaali Weyn. Maaddaama ay cadow wadaag ahaayeen, dalalka Itoobiya iyo Kenya waxay heshiis ku gaareen inay isugu gurmadaan haddii uu midkood weerar kala kulmo Soomaaliya.

Sidaa darteed, baaqii Boqorka ee ahaa in Iiraan ay soo farogelin doonto haddii Itoobiya ay duulaan ku qaaddo Soomaaliya, wuxuu ahaa mid aan u cuntamin Kenyanka, oo markii horeba ka shakisanaa in Iiraan ay hub siinaysay dowladdii Siyaad Barre. Sidaas awgeed, bartamihii Febraayo 1978, wasiirkii arrimaha dibedda ee Kenya ee xilligaas, Dr. Munyua Waiyaki, ayaa wareysi telefishin ah ka jeediyay hadallo dhaleeceyn ah oo ka dhan ahaa Iiraan, taasoo horseedday xiisad diblomaasiyadeed.

Isla markiiba, Tehran waxay soo saartay amar ay ku amreyso in la soo celiyo danjiraheedii, lana xiro safaaraddeedii Nairobi. Iiraan waxay Guddiga Sare ee Britain (British High Commission) ka codsatay inay u maamusho qaar ka mid ah adeegyadeeda qunsuliyadeed.

“Iiraaniyiintu waxay na weydiiyeen inaan aqbalno mas’uuliyadda danaha Iiraan ee Kenya, waxayna soo bandhigeen in hal sarkaal oo Iiraani ah uu shaqada muhiimka ah qabto annaga oo hoos-tegeyna. Waan aqbalnay inaan kaalintaas u qaadanno Iiraaniyiinta,” ayaa lagu yiri warqad lagu calaamadeeyay “Sir” oo uu qoray Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka (Foreign and Commonwealth Office) ee London. Dowladdii Iiraan ee xilligaas, oo markii dambe lagu afgambiyay Kacaankii Islaamiga ahaa ee Febraayo 1979, waxay xulufo la ahayd quwadaha Reer Galbeedka.

Tallaabada ay Iiraan xiriirka diblomaasiyadeed ugula jartay Kenya waxay lama filaan ku noqotay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsanaa dowladdii Jomo Kenyatta. Iiraan waxay ahayd isha ugu weyn ee shidaalka Kenya, mas’uuliyiintuna waxay ka welwelsanaayeen saameynta uu is-mari-waagan ku yeelan karo qiimaha shidaalka. Febraayo 18, 1978, Mr. Axmad Tavakoli, oo ahaa safiirkii Iiraan u fadhiyay Kenya, ayaa booqday Wasaaradda Arrimaha Dibedda si uu u gudbiyo fariinta rasmiga ah ee go’aanka Iiraan.

James Osogo, oo si ku-meel-gaar ah u hayay xilka wasiirka arrimaha dibedda maaddaama uu Waiyaki maqnaa, ayaa guddoonsiiyay fariin uu ka siday Mzee Jomo Kenyatta, taasoo madaxweynuhu ku sheegay inuu si shakhsi ah muhiimad weyn u siinayo xiriirka Kenya iyo Iiraan, uuna ka warqabin hadalkii Waiyaki.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale dadaallo hormuud ka ahaa madaxweyne ku-xigeenkii Daniel Arap Moi iyo Xeer Ilaaliyihii Guud Charles Njonjo, kuwaasoo ka codsanayay waddamada Yurub ee saameynta weyn ku lahaa dowladda Iiraan inay soo farageliyaan oo ay Kenya ka caawiyaan soo celinta xiriirkeedii diblomaasiyadeed ee Tehran.

Arrintan darteed, Febraayo 25, 1978, labadoodu waxay kulan la yeesheen diblomaasi sare oo British ah, Robin Byatt, waxayna kala hadleen arrinta xiriirka Kenya iyo Iiraan. Dukumiintiyada ayaa muujinaya in kulankaas oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, uu Njonjo u sheegay diblomaasiga British-ka ah in Kenya aysan wax niyad ah u heynin inay xiriirka u jarto Iiraan, isagoo intaa ku daray in inkastoo Waiyaki uu ku xad-gudbay dhaleeceyntiisa, haddana hadalladiisii ay buunbuuniyeen saxaafadda caalamiga ah.

Febraayo 28, 1978, iyagoo sii maraya London kuna sii jeeday Washington, labadan mas’uul ee saameynta lahaa waxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain ka codsadeen inuu Kenya ka caawiyo sidii ay wafdi ugu diri lahayd Tehran si ay xaaladda ula dejiyaan Iiraaniyiinta.

“Madaxweyne Ku-xigeenka (Mr. Moi) iyo Xeer Ilaaliyaha Guud (Mr. Njonjo) waxay noo sheegeen iyagoo London maraya kuna sii jeeda Washington, inay doonayaan inay xaaladda sidii hore kusoo celiyaan, ayna jeclaan lahaayeen inay wafdi heer sare ah u diraan Tehran sida ugu dhaqsiyaha badan, oo uu suuragal tahay inuu hoggaamiyo madaxweyne ku-xigeenku, si arrinta loo dhammeeyo,” ayaa lagu yiri dokumiinti ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda oo uu arkay Weekly Review.

Dokumiintiga ayaa intaas ku daray: “Waxaan dooneynaa inaan gacan ka geysanno soo celinta xaaladda u dhexeysa labadan dal, gaar ahaan maaddaama ay labadooduba noo soo jeesteen si ay gargaar uga helaan. Sidaas awgeed, waxaa ammarro loo dirayaa safiirka Boqoradda (Her Majesty) ee Tehran, isagoo laga codsanayo inuu gudbiyo fariinta Kenya ee ku saabsan booqashada, uuna sameeyo wixii uu awoodo si uu ugu boorriyo Iiraaniyiinta inaysan ku degdegin tallaabada ay ku xirayaan safaaraddooda, maaddaama aan aaminsannahay in Kenyanku ay si dhab ah u doonayaan soo celinta xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan Iiraan.”

Isla mar ahaantaana, mas’uuliyiinta Kenya waxay sidoo kale la xiriireen dalka Belgium si uu uga caawiyo hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Iiraan. Fariin ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda u dirtay diblomaasiga Belgium ee Tehran si uu u gaarsiiyo dowladda Iiraan ayaa u qornayd sidan: “Dowladda Kenya waxay ka codsaneysaa dowladda boqortooyada Iiraan inay dib u dhigto bixitaanka safiirkeeda ee Nairobi. Dowladda Kenya waxay jeceshahay inay hesho fursad ay ku caddeyso isfaham-darrada dhexmartay labada dowladood, sidaas darteedna waxay damacsan tahay inay madaxweyne ku-xigeenka Kenya u dirto Tehran. Ujeeddada booqashadan waxay noqon doontaa in la xalliyo isfaham-darrada soo kala dhex gashay iyo in la bixiyo sharraxaadaha lagama maarmaanka ah.”

Inkastoo safiirka Belgium uu fariintan gaarsiiyay wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan, haddana waxaa markii dambe loo caddeeyay in jidka ugu habboon ee isgaarsiinta dheeraadka ah uu noqon doono dowladda UK.

Laakiin waxay u muuqatay in intii ay Kenya sii muujineysay baahideeda, ay Iiraaniyiintuna sii adkeynayeen mowqifkooda. Markii hore, waxay oggolaadeen inay hal sarkaal oo qunsuliyadeed kaga tagaan Nairobi, balse markii dambe waxay go’aansadeen inay gebi ahaanba xiriirka diblomaasiyadeed jaraan.

“Iiraaniyiintu hadda waxay ka hadlayaan goyn buuxda oo xiriirka ah. Marka xaaladdu gebi ahaanba waa isku dhex-yaac,” ayuu ku qoray mid ka mid ah saraakiisha British-ka dukumiintiyada sirta ah.

Kaddib qancin dheer oo ay sameeyeen saraakiisha British-ku, Boqor Shah Mohammad Reza Pahlavi wuxuu ugu dambeyn oggolaaday inuu la kulmo wafdi ka socda Kenya si loo xalliyo is-mari-waaga diblomaasiyadeed.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain oo arrintan ku saabsanayd ayaa lagu yiri: “Boqorku wuxuu oggolaaday inuu wafdi heer sare ah oo Kenyan ah ku qaabilo Tehran iyo in la dhiso Xafiis Dano Iiraani ah oo Nairobi ku yaalla annaga oo hoos-tegeyna. Tani waa dhiirigelin. Dib u dhac ku yimaada gudbinta jawaabta Boqorka ee Kenyanka waxay halis gelinaysaa inuu fashil yimaado. Way fiicnaan lahayd inaan la sugin ilaa ay Kenyanku halkan yimaadaan toddobaadka soo socda, balse in Washington lagu amro inay la hadasho Kenyanka.”

Levin Opiyo waa saxafi iyo cilmi-baare Kenyan ah oo fadhigiisu yahay London.

- Advertisement -

Read more

Local News