Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii la kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax al-Sisi, kulan lagu sii xoojinayay iskaashiga amniga iyo ganacsiga, xilli uu Xasan Sheekh wajahayo cadaadisyo iska soo horjeeda oo kaga imanaya Qaahira iyo Addis Ababa oo ku saabsan biyaha muranku ka taagan yahay ee webiga Niil.
Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in la dardargeliyo heshiis dhinaca difaaca ah oo la kala saxiixday bishii Janaayo, kaasoo u oggolaanaya tababarayaal Masaari ah inay gacan siiyaan ciidamada Soomaaliya ee ilaalinaya marinnada maraakiibta ee Badda Cas, sida ay sheegeen saraakiil ka kala socday labada caasimadood.
Waxay sidoo kale dib u eegeen qorshayaal lagu kobcinayo ganacsiga labada dal iyo in la furo marin toos ah oo isku xira Muqdisho iyo Suez. Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay in gaadiid gaashaaman iyo madaafiic ay Masar geysay Soomaaliya bishihii Agoosto iyo Sebteembar ee la soo dhaafay, haddana lagu dari doono barnaamij ballaaran oo dib loogu qalabeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Qaahira waxay doonaysaa xulafaysi ay kula gorgortanto Itoobiya si ay u hesho heshiis dammaanad qaadaya qulqulka biyaha Niil marka si buuxda loo hawlgeliyo Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), oo hadda dhismihiisa la soo geba-gebeeyey. Dhanka kale, Itoobiya waxay isku dayday inay soo jiidato Muqdisho iyadoo u ballanqaadday deymo horumarineed, waxayna bishii hore ku casuuntay Madaxweyne Xasan Sheekh munaasabad muhiim ah oo loo qabanayay biyo-xireenka, taasoo uu madaxweynuhu ka cudurdaartay.
Danta Masar ayaa korortay ka dib markii Addis Ababa ay 1-dii Janaayo 2024 saxiixday is-afgarad (MoU) oo ay la gashay Somaliland, kaasi oo siinaya Itoobiya muddo 50 sano marin badeed ay arrimo ganacsi oo dekad ah iyo saldhig ciidan u isticmaasho, heshiiskaas oo Muqdisho ay ku tilmaantay “xadgudub sharci-darro ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya.”
Soomaaliya waxay kaga jawaabtay iyadoo isu keentay isbahaysi aan adkayn oo ay ku jiraan Masar, Eritrea iyo Jabuuti si ay uga hortagto wax ay u aragtay duullaan ka yimid dhinaca Itoobiya heshiiskaas ka dib. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaasi wuxuu meesha ka baxay ka dib markii Turkigu uu dhexdhexaadiyay Baaqa Ankara (Ankara Declaration) bishii Diseembar 2024.
Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa inay dhex-dhexaad tahay. Villa Somalia waxay qaadatay mowqifkaas sannadkii 2022 markii afhayeenka madaxtooyadu uu beeniyay warar sheegayay in Muqdisho ay qaadatay mowqifka sharci ee Masar ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hase yeeshee, ilo wareedyo ayaa sheegay in ergooyin Masaari ah ay si weyn ugu ololeynayeen taageerada Soomaaliya ka hor wada-hadallada xiga ee Niil, ee loo qorsheeyay inay bisha Sebteembar ka dhacaan Washington.
“Masar ayaa u dhaqaaqday inay ka hortagto isku soo dhawaansho kasta oo dhexmara Addis Ababa iyo Muqdisho,” ayuu yiri Talaat Taha, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan wargayska Al-Fajr ee dalka Masar.
Cabdisalaam Xaaji Axmed oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Muqdisho (Institute for Political Studies) ayaa ka digay in si cad loola safto mid ka mid ah labada dhinac ay khatar gelin karto iskaashiga gargaarka iyo amniga. “Soomaaliya ma awooddo inay u muuqato mid dhinac kula safan muranka culus oo ka taagan webiga Niil,” ayuu yiri.
Soomaaliya waxay Masar u aragtaa shuraako suurtagal ah oo kala shaqayn kara casriyeynta dekedaha iyo tababarka ciidamadeeda ilaalada xeebaha, halka Itoobiya ay bixiso deeqo waxbarasho iyo tababarro ciidan oo jaban. Sida ku cad heshiis fulineed oo la gaaray Oktoobar 2024, Qaahira waxay ballanqaadday inay ilaa 1,000 askari u soo diri doonto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ka dambeeya ATMIS.
Dibloomaasi sare oo Soomaali ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggolayn inuu la hadlo warbaahinta, ayaa yiri Villa Somalia waxay rajaynaysaa “inay ka faa’iideysato labada caasimadoodba iyadoo aan loo arkin mid u adeegta Masar ama mid hoos timaada Itoobiya.”
Danta Qaahira way ka ballaaran tahay webiga Niil. Bishii Abriil, Masar iyo Jabuuti waxay caddeeyeen inay tahay in dalalka xeebaha leh oo keliya ay sugaan amniga xeebta dhererkeedu dhan yahay 3,300 oo kiiloomitir ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah marinno ay maraan qiyaastii 10 boqolkiiba ganacsiga caalamiga ah ee badda.
Hub dheeri ah oo Masar ay keeni doonto, kaasoo ay Itoobiya horay uga mudaaharaadday kuna tilmaantay “mid xasilooni-darro abuuraya,” ayaa la qorsheeyay rubuca saddexaad ee sannadkan.
Dibloomaasiyiintu waxay sheegeen in imtixaanka dhabta ah uu imaan doono marka ay dib u bilowdaan wada-hadallada Niil ee uu dhex-dhexaadinayo Bankiga Adduunka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalinta Talaadada warbixin ka siiyo Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho siyaasadiisa ku aaddan Badda Cas iyo webiga Niil. Xildhibaannada ayaa qorsheynaya inay su’aalo ka weydiiyaan sida uu u ilaalin doono dhex-dhexaadnimada xilli ay soo dhowdahay wareegga xiga ee wada-xaajoodyada GERD.