Asmara (Caasimada Online) – Xiisadaha u dhexeeya Ethiopia iyo Eritrea ayaa sii xoogeystay sannadkan, waxaana sii huriyay khilaafyo goboleed iyo xasilooni darro ka taagan gobolka Tigray. Horumarradan ayaa kicinaya walaac laga qabo suurtagalnimada inuu dib u soo cusboonaado iska horimaad ka dhaca Geeska Afrika ee istaraatiijiga ah iyo gobolka Tigray, oo ah deegaan hodan ku ah dahabka, halkaas oo dagaal dhowaan ka dhacay uu galaaftay nolosha in ka badan 600,000 oo qof, isla markaana sababay barakac baahsan iyo burbur kaabayaasha dhaqaalaha ah.
Inkastoo aanu weli hirgelin dagaal hubaysan oo baaxad weyn, haddana isku-darka khilaafyo siyaasadeed oo salka ku haya gudaha Tigray iyo xiisado juquraafi-siyaasadeed oo ka taagan Geeska Afrika – oo ay ugu horreyso damaca Ethiopia ee ah inay hesho dekad iyo xuquuqda biyaha maadaama ay tahay waddan aan bad lahayn – ayaa kordhinaya halista rabshado hor leh iyo xasilooni darro gobolka ka dhacda.
Isbahaysiyo isbeddelaya oo ka jira Geeska Afrika
Suurtagalnimada inuu dib u qarxo iska horimaad u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara waxay si weyn ugu xirnaan doontaa sida ay labada dowladood u kala fasirtaan halista iyo faa’iidooyinka ka dhalan kara xiisadda sii kordheysa, iyadoo la eegayo xaaladda gobolka ee isbeddelaysa. Xudunta xaaladda hadda taagan ayaa ah hamiga Ethiopia – oo leh dad ka badan 128 milyan, taasoo ka dhigaysa waddanka ugu dadka badan caalamka ee aan bad lahayn – si ay dib ugu hesho marinka Badda Cas, kaasoo ay weyday 1993-kii kaddib gooni-isu-taaggii Eritrea. Hamigan, oo ay dabada ka riixayaan dano dhaqaale iyo kuwa juquraafi-siyaasadeed, ayaa Asmara u aragtaa mid khatar ku ah madaxbannaanida Eritrea iyo xasilloonida gobolka.
Damaca Ethiopia wuxuu ka muuqdaa “Istaraatiijiyadda Weyn ee Labada Biyood,” oo ah siyaasad qaran oo dhigaysa in Webiga Abay (oo qayb ka ah Niilka Buluugga ah) iyo Badda Cas ay yihiin deegaanno muhiim u ah horumarka dalka. Iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali uu daba socdo hadafyadan, Ethiopia waxay wajahaysaa cadaawad sii kordheysa oo kaga imaanaysa Masar oo ay muddo dheer xafiiltamayeen, iyo laba dal oo deris la ah oo ku yaal Geeska Afrika, kuwaasoo ah Eritrea iyo Soomaaliya.
Sannadkii 2024, Ethiopia iyo Somaliland waxay kala saxiixdeen Heshiis Isfaham (Memorandum of Understanding) kaasoo dhigayay in Addis Ababa ay aqoonsan doonto sheegashada madaxbannaanida Somaliland, taas beddelkeedana ay hesho marin ay ku aaddo Badda Cas. Sida la filan karayay, tallaabadan waxay ka careysiisay Soomaaliay. Masar waxay la safatay Muqdisho, taasoo ka tarjumaysa xiriir diblomaasiyadeed oo toban sano xumaa oo kala dhexeeyay Ethiopia kaasoo salka ku hayay biyo-xireenka Weyn ee Ethiopia (Grand Ethiopian Renaissance Dam), oo ay Qaahira weli u aragto khatar ku ah nolosheeda biyaha.
Bishii Oktoobar 2024, Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, wuxuu martigeliyay shir saddex-geesood ah oo dhex maray Eritrea, Soomaaliya iyo Masar. Cadaadiska diblomaasiyadeed wuu shaqeeyay, wuxuuna horseeday Baaqii Ankara (Ankara Declaration), kaasoo ay Ethiopia ku ballanqaadday inay ixtiraami doonto midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Ethiopia waxay si weyn ugu tiirsan tahay dalka yar ee xeebta ku yaal ee Djibouti, oo dekeddeedu ay ka shaqeyso in ka badan 90 boqolkiiba ganacsiga Ethiopia, iyadoo ah marinka ugu weyn ee dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha ee gobolka. Ku-tiirsanaantan ayaa sii qoto dheeraatay kaddib horumarinta kaabayaasha, oo ay ku jiraan xarumo dekeddeed, dhuun shidaal, iyo Waddada isku xirta Addis-Ababa iyo Djibouti – waddooyin iyo jidad tareen oo cusub oo caasimadda Ethiopia ku xiraya dekedda Djibouti.
Hamiga Ethiopia wuxuu sii wadaa inuu xiisado ka dhex abuuro dhowr dal, oo ay ku jirto Eritrea, taasoo ka cabsi qabta in deriskeedu uu aakhirka isku dayi doono inuu dib ula wareego Dekedda Casab (Port of Assab) ee ku taal xeebta Badda Cas.
Sababaha hoose iyo macnaha guud
Si loo fahmo isbeddellada waaweyn ee ku yimid awoodda gudaha ee Ethiopia sannadihii la soo dhaafay iyo sababta ay xasilooni darradeedu mowjado uga dhex abuurto Geeska Afrika, waxaa muhiim ah in la fahmo caqabadaha gudaha ee dalka iyo in dib loo eego xilligii isbeddelka ee 2018.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa xukunka la wareegay sannadkaas. Tani waxay calaamad u ahayd marxalad muhiim ah oo muujinaysa hoos u dhaca awooddii Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF), oo muddo dheer gacanta ku haysay isbahaysigii talada hayay ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF). TPLF waxay xiriir la lahayd dhaqdhaqaaqyadii xoreynta Eritrea, laakiin waxay markii hore u aasaasantay sidii dhaqdhaqaaq jabhadeed oo ka dhisnaa gobolka Tigray ee Ethiopia, iyadoo ujeeddadeedu ahayd inay u xaqiijiso is-maamul dadka Tigrayga ah gudaheeda Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee, nabaad-guurka awooddii TPLF wuxuu dhab ahaan billowday 2012-kii geeridii kediska ahayd ee Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi, oo ahaa hoggaamiyihii siyaasadeed ee muddada dheer soo maamulayay Ethiopia. TPLF waxay awooddeeda sii adkaysatay kaddib markii la riday taliskii Derg sannadkii 1991. Hase yeeshee, hoggaankeeda waxaa si isa soo taraysa ugu arkayay kooxaha kale ee gobollada, gaar ahaan Amxaarada iyo Oromada (oo ah labada qowmiyadood ee ugu waaweyn Ethiopia), mid takoorid iyo faquuqid ku dhisan. Aragtidan ayaa sii hurisay caro sii kordheysa iyo dalabyo ku aaddan isbeddel siyaasadeed.
Xaqiiqooyin iyo tirokoob
Waa ayo Tigraygu?
Tigraygu waxay ka soo jeedaan dad Semitic ah oo is dhexgalen dadkii Cushitic-ka ahaa ee deegaanka degganaa, waxayna aasaaseen boqortooyadii Masiixiga ahayd ee Aksum, oo caasimaddeedu ahayd gobolka taariikhiga ah ee Tigray ee waqooyiga Ethiopia. Tigraygu waa dad beeraley ah oo leh luuqad u gaar ah, waxayna u badan yihiin Masiixiyiin Ortodoks ah. Horraantii qarnigii 21-aad, Tigraygu waxay ahaayeen ku dhawaad kala bar dadka Eritrea iyo in ka yar toban meelood meel dadka Ethiopia.
Markii uu xafiiska la wareegay, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu kala diray EPRDF wuxuuna aasaasay Xisbiga Barwaaqo si uu u beddelo. Si kastaba ha ahaatee, TPLF way diidday inay ku biirto xisbiga cusub, iyadoo u aragtay aasaaskiisa mid khatar ku ah nidaamka federaalka ee Ethiopia, gaar ahaan, heerka iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee laga tirada badan yahay ee Tigrayga. In kasta oo aan loo arki karin Tigrayga inay yihiin hay’ad siyaasadeed oo isku mid ah, haddana isku-dhafka gaarka ah ee gobolka ee aqoonsiga qowmiyadeed ee xooggan, dhaqanka hoggaanka siyaasadeed ee isku xiran, iyo khibradda milateri (oo ay qaabeeyeen tobanaan sano oo dagaal ah), ayaa siinaya awood weyn oo ay ku yeeshaan saameyn gudaha iyo gobolkaba.
Tigray waxay xuduud gudaha ah la wadaagtaa laba ka mid ah sagaalka dowlad-goboleed ee Ethiopia, Amxaarada iyo Cafarta, waxayna ku taal waddooyin muhiim ah oo dhoofinta u mara Badda Cas. Caalam ahaan, waxay xuduud la leedahay Eritrea iyo Sudan. Sannadkii 2018, dowladda federaalka, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxay heshiis nabadeed la saxiixatay Eritrea. Horumarkan taariikhiga ah waxaa ku jiray tanaasul muhiim ah: in Ethiopia ay si rasmi ah u aqoonsato madaxbannaanida Eritrea ee magaalada Badme, oo ku taal Tigray, aheydna meeshii uu ka dhashay dagaalkii 1998-2000 ee Ethiopia iyo Eritrea.
TPLF waxay go’aankan u aragtay mid aan ahayn tallaabo nabadeed, balse ah tanaasul hal dhinac ah oo siyaasadaysan oo wiiqaya midnimada gobolka iyo danaha Tigrayga, taasoo sii qoto dheeraysay kalsooni darrada u dhaxaysa dowladda federaalka iyo hoggaanka Tigrayga, isla markaana gogol-xaar u noqotay iskahorimaad cusub. In kasta oo ay jirtay is-soo-dhowaansho taariikhi ah oo dhex martay Addis Ababa iyo Asmara, taasoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku mutaystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel sannadkii 2019, haddana colaadda u dhaxaysa Eritrea iyo TPLF ayaa sii korodhay heshiiska nabadeed kaddib.
Sannadkii 2020, TPLF waxay doorashooyin goboleed ku qabatay Tigray, iyadoo si furan uga horyimid amarkii dowladda federaalka ee ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo cudurka faafa awgiis. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu doorashooyinkaas ku tilmaamay “doorashooyin sharci darro ah” oo aan sal sharci ah lahayn. Xiisaduhu waxay sii murgadeen bishii Nofeembar markii, kaddib weerar ay TPLF ku qaadday Taliska Waqooyi ee Ciidanka Difaaca Qaranka Ethiopia, ay dowladda federaalku bilowday hawlgal milateri oo ay ku magacowday “sharci iyo kala dambeyn.”
Cadowgii oo saaxiib loo rogay
Dagaalkii Tigray wuxuu ahaa sabab iyo natiijo ka dhalatay isbeddello muhiim ah oo ku yimid isbahaysiyada gudaha iyo kuwa gobolka. Eritrea, oo taariikh ahaan ahayd cadowga Ethiopia, gaar ahaan tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1993-kii, ayaa si lama filaan ah ula bahowday dowladda federaalka, iyadoo ka qayb qaadatay hawlgallada milateri ee ka dhanka ahaa TPLF. Ciidamada Eritrea ayaa markii dambe lagu eedeeyay inay geysteen dembiyo ka dhan ah dadka rayidka ah. Dhanka kale, TPLF oo mar ahayd awoodda ugu weyn ee xudunta u ahayd siyaasadda Ethiopia, ayaa isku aragtay dagaal furan oo aan kaliya la gelin ciidamada federaalka, laakiin sidoo kale la gashay ciidanka gobolka Amxaarada, maleeshiyooyin deegaanka ah iyo ciidamada Eritrea.
Dagaalku wuxuu ku dhammaaday Heshiiskii Pretoria (Pretoria Agreement) ee 2022, kaasoo dhigayay in la hub ka dhigo TPLF iyo in ciidamada shisheeye ay ka baxaan. Si kastaba ha ahaatee, heshiisku wuxuu iska indha tiray baaxadda doorka ay ciidamada Eritrea ku lahaayeen colaadda. In kasta oo si rasmi ah xaaladda loo dejiyay, haddana waxaa jira xiisado badan oo dhulka ka taagan.
Ciidamada Eritrea weli waxay ku sugan yihiin Tigray, taliska Eritreana wuxuu xiriir la leeyahay fallaagada Amxaarada, gaar ahaan maleeshiyada Fano. Waxaa intaas dheer, in kasta oo ciidamada Amxaaradu ay la safteen ciidanka federaalka ee Tigray, haddana waxay ka horyimaadeen dowladda federaalka kaddib go’aankii 2023-kii ee ahaa in la kala diro ciidamada gaarka ah ee gobollada, taasoo qayb ka ahayd dib-u-habeyn lagu samaynayay amniga qaranka.
Dhanka TPLF, in kasta oo liiska argagixisada laga saaray kaddib Heshiiskii Pretoria, haddana weli lagama mid dhigin matalaadda baarlamaanka Ethiopia. Xaaladdii dagaalka kaddib waxay horseedday kala qaybsanaan gudaha TPLF ah, oo hadda u kala jabtay kuwa saxiixay heshiisyadii nabadeed ee 2022 ee taageersan dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka, iyo kuwa ka fikiraya isbahaysi, xitaa haddii aanu toos ahayn, oo ay la yeeshaan Eritrea, si ay uga soo horjeestaan taliska Abiy Ahmed.
TPLF oo u kala jabtay laba garab oo aan heshiin karin, ayaa xaalad adag ku jirta. Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhowaan ka mamnuucay TPLF inay ka qaybgasho siyaasadda, isagoo cuskanaya awood-darrada xisbiga ee ah inuu qabsado shirweyne guud. Waxaa muhiim ah in la ogaado in marka laga soo tago khilaafaadka qowmiyadeed iyo kuwa siyaasadeed ee muddada dheer soo jiray, tartanka loogu jiro gacan ku haynta Tigray ay sidoo kale sii kordhinayaan goobta istaraatiijiga ah ee uu ku yaal iyo keydka dahabka ee weyn ee halkaas ku jira.
Sawirka xaaladaha mustaqbalka
Xaaladda ugu dhow: Xasilooni darro iyo dagaal wakiilnimo ah oo ka horreeya doorashooyinka Ethiopia ee 2026
Xaaladda ugu macquulsan waa xilli nabadeed oo jilicsan oo ay ku xigto dagaal wakiilnimo ah oo dhex mara Ethiopia iyo Eritrea oo ka dhaca gobolka Tigray. Natiijadan ayaa sii kordheysa suurtagalnimadeeda sababo la xiriira isku-darka xiisadaha gudaha iyo kuwa gobolka. Hoggaanka TPLF waa kala qaybsan yahay, heshiiska nabadeed weli si qayb ah ayaa loo fuliyay, qaybo ka mid ah dhulka Tigrayna weli waxaa gacanta ku haya ciidamada Eritrea.
Intaa waxaa dheer, waxaa jira halis ah in colaaddu ay ku faafto gobolka oo dhan. Taliska Eritrea ayaa la sheegay inuu taageero dhaqdhaqaaqyada fallaagada ee gobolka Amxaarada, halka dowladda Ethiopia ay wajahayso eedeymo ah inay taageerto kooxaha mucaaradka Eritrea sida Kacaanka Buluugga ah (Blue Revolution), kuwaas oo inta badan ku kooban qurba-joogta sababo la xiriira deegaanka siyaasadeed ee caburinta ah ee dalkaas ka jira.
Xasilooni darro dheeraad ah ayaa la filayaa inta lagu guda jiro u diyaar garowga doorashooyinka guud ee Ethiopia ee 2026, maadaama Ethiopia ay weli u kala qaybsan tahay laba aragtiyood oo siyaasadeed oo iska soo horjeeda: federaalka qowmiyadaha ku dhisan ee qeexayay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, iyo qaabka dhexe, waddaniga ah, iyo shacbiyadda ku dhisan ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Xaaladda aan aadka u dhoweyn: Dhexdhexaadin caalami ah oo Ethiopia siisa marin badeed
Xaaladda labaad, inkastoo ay yar tahay suurtagalnimadeedu, waxay ku lug leedahay dhexdhexaadin caalami ah oo guuleysata. Ethiopia, oo ku biirtay BRICS sannadkii 2024, waxay xiriir dhow la leedahay Beijing iyo Ankara, laba dal oo maalgashi weyn ku leh gobolka, dan weynna u leh inay ka fogaadaan xasilooni darro ka dhacda Geeska Afrika. Cadaadis diblomaasiyadeed oo ka yimaada dhinacyo saameyn leh oo ay labada dhinacba ixtiraamaan, sida Shiinaha ama Turkiga, ayaa gacan ka geysan kara in la gogol-xaaro xal wada-xaajood lagu gaaro.
Natiijada noocan oo kale ah, Ethiopia waxaa laga yaabaa inay hesho marin badeed iyadoon si toos ah u loollamin madaxbannaanida dalalka deriska la ah. In kasta oo dhexdhexaadinta dibadda ay door muhiim ah ka ciyaari karto ka hortagga iskahorimaad cusub oo dhex mara Asmara iyo Addis Ababa, haddana aad ayay u adkaan lahayd in la xakameeyo qalalaasaha gudaha ee ay hurinayaan xiisadaha qowmiyadeed-siyaasadeed ee ka jira Tigray iyo Oromia. Khadadkan kala qaybsanaanta gudaha ah ayaa laga yaabaa inay sii wadaan inay horseedaan xasilooni darro, xitaa haddii aanu jirin iskahorimaad hubaysan oo gobolka ah.

