26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Xogta ciidankii ugu badnaa oo gaaray Maxaas + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan abaabul culus uu ka socda gobolkaasi, waxaana lasoo wariyay in ciidamo gurmad ah ay gaareen degmada Maxaas oo uu ka socdo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka yimid magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan, waxayna ku biireen abaabulka ka socda Maxaas ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo gudaha u galaya magaalada, iyadoo dadweynuhu ay daawanayaan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda Xawaadle.

Ujeedka ciidamadan gurmadka ah ee tegay furimaha dagaalka ayaa ah inay xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi, waxayna qayb ka noqon doonaan howlgalka la qorsheynayo in dib loogu qabto Moqokori oo muddo todobaad ah ay haystaan Shabaab.

Degmada Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka Khawaarijta, waxaana haatan ku sugan madax heer gobol iyo federaal oo kulamo la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.

Qorshaha ugu wayn ayaa ah in laga hortago in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku fidiyaan gobolka Hiiraan oo inta badan horay looga xoreeyay, waxaana abaabulka horkacaya ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda Mudane Cali Jayte Cismaan.

“Waxaa socda dadaallo dib loogu habeynayo ciidamada deegaanka, si loo xoojiyo dagaalka, una qabsadaan deegaano hor leh oo ku sugan yahay cadowga,” ayuu yiri Cali Jayte.

Si kastaba, abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal-hayn xoogan iyo falcelin aan caadi ahayn ay ka dhalatalay qabsashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, taas oo ugu dambeyn u gacan gashay cadowga.

- Advertisement -

Read more

Local News