26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Xog: DF oo ‘hub iyo ciidamo badan u daabuleysa’ Gedo iyo Jubaland oo tallaabo qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in mar kale ay hub iyo ciidamo gayso gobolka Gedo, maadaama la qorsheynayo in gobolkaasi uu qayb ka noqdo doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan waddo kooxda Villa Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan la qorsheeyey in hub cusub loo daabulo gobolka, ciidamadana la geeyo, si ay qeyb uga noqdaan qorshaha lagu qaban rabo doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka ugu wayn ayaa ah sidii ay Villa Soomaaliya ku heli lahayd kuraasta xildhibaannada ee Gedo, una soo xulan lahayd xildhibaannada cusub.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshahan ay wax ka fuli doonaan xubno horey uga tirsanaa Jubaland oo lagu biiriyey saraakiil cusub, kuwaas oo lagu wareejin doono gaadiid dagaal iyo ciidamo qorshuhua yahay in diyaarado looga qaado magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas oo lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca kale, Jubaland oo u muuqata inay fahamsan tahay qorshaha iyo abaabulka socda ayaa isla maanta wafdi culus u dirtay gobolka Gedo, kuwaas oo gaaay degmada Beledxaawo, waxaana hoggaamiyay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan.

Maxamuud  iyo Masuuliyiin kale oo la socda ayaa maanta lagu soo dhaweeyay egmada Baladxaawo, waxaana soo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada Jubaland ee horay u joogay degmada, xildhibaanno, maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Baladxaawo.

Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa sidoo kale la filayaa in dhaq-dhaqaaqyo iyo kulamo ay ka bilaabaan, halkaas, kuwaas oo looga hadlayo xaaladaha ka jira gobolka Gedo.

- Advertisement -

Read more

Local News