Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid shirweynihii la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Laascaanood, kaas oo markii labaad baaqday, sababo la xiriira khilaafka gudaha ee SSC.
Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in arrimo farsamo iyo wadatashiyo socda uu u baaqday shirka, isla markaasna si rasmi ah loo qaban doono berri oo Axad ah.
Najiib Barkhadle ayaa sidoo kale xusay in haatan ay soo dhammaadeen kulamadii socday, isa markaana toos loo guda galayo ajendaha shirka ee dhameystirka SSC-Khaatumo.
Sidoo kale wuxuu baaq u diray bulshada deegaanka oo uu ka dalbaday inay kaalintooda qaataan, ayna taageeraan geeddiga socda ee dhameystirka Dawlad-goboleedka SSC.
Shirka oo ah mid xasaas ah ayaa waxaa weli socoto qaban-qaabadiisa, waxaana sidoo kale taagan dood ku aadan sidii Sanaag loogu soo biirin lahaa maamulka SSC-Khaatumo.
Guddiga farsamada iyo hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo ayaa dhankooda ku howlan sidii loo xalin lahaa tabashooyinka qaar ee laga muujinayo hannaanka loo wajahayo dhameystirka maamulka, si xal waara looga gaaro dhismaha Dowlad-goboleedka rasmiga ah ee SSC-Khaatumo.
Dhankooda xildhibaannada Baarlamaanka Khaatumo oo kulan deg-deg ah yeeshay ayaa go’aamiyay in la qabto shirka, lana dhameystirka maamulka, kadibna la aado doorashada.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto doodda ay keeneen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay horkacayaan musharrixiinta, kuwaas oo kasoo horjeestay hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wajaheyo arrimaha SSC-Khaatumo
Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran iyada oo Dalwadda Federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala kaas oo gaaray Laascaanood oo lagu wado inuu ka furmo shirka aayo ka tashiga