Beledweyne (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland oo qoraal deg-deg ah soo saaray ayaa si kulul uga hadlay dagaalka maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland.
Wasiiru dowladaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur oo qoraalka soo saaray ayaa dagaalkan ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihiisa, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay dhiigga haatan ku daadanayo degmada Beledxaawo.
“Ra’iisal Wasaare Hamse iyo Madaxweyne HSM Dagaalka ay saaka ku qaadeen Balad-Hawo waa nasiibdaro . Waxaan xasuusinayaa in wali uu socdo Dagaalkii Shabaab halisna ku yihiin jiritaanka Dowladdninada” ayuu yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Puntland.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalkan uu halis ku yahay dowladnimada, isla markaana laga haboon yahay in ciidamada Soomaaliyeed ay iyaga dhexdooda wada dagaalamaan.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay habooneed in dowladdu u jeesato dagaalka lagula jiro argagaxisada, ayna garab siiyo ciidamada deegaanka ee ku sugan gobolka Hiiraan.
“Ciidanka saaka isku nafbaxaya waxaa looga baahnaa in ay reer Hiiraan ka difaacan Cadowga Shabaab” ayuu mar kale yiri Wasiir Cabdifitaax Cabdinuur.
Dagalka maanta ka qarxay Beledxaawo ayaa yimid kaddib markii saaka labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland.
Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaabay taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

