Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo indhowaanahan wada-hadallo kula jiray xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo ayaa waxaa haatan lasoo warinayaa in qaar kamid ah ragga ay is hayaan ay is-fahmeen.
Jaylaani Abshir oo si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee gudaha dalka ayaa wareysi uu siiyay Somali Cable Tv wuxuu uga hadlay halka ay kala marayaan labada dhinac, maadaama kulamo is daba joog ah ay ka dhaceen Villa Somalia, kuwa kalena loo ballansan yahay, isaga oo sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay is fahmeen Xasan.
Jaylaani ma shaacin magacyada xubnaha mucaaradka ee la jaan-qaaday Madaxweynaha, waxaase uu tilmaamay inay jiraan rag hoggaamiyo ururro waawayn oo haddane ay is-fahmeen Madaxweyne Xasan Sheekh, isla-markaana ay toos ula safteen Villa Somalia.
“Mucaaradka meesha tegay qayb kamid ah ayaa waxa ay is fahmeen Madaxweynaha oo waxaad arkeysaa rag hoggaaminayo ururro oo u jadboonayo Madaxweynaha” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maalin dhoweyd waxaa la’ii sheegayaa guddiyadaan la dhahaayay ha is-diiwaangalshaano ayaa waxaa maalin dhacday in Madaxweynaha meel tago kadib nin odaya oo xisbi dhan hoggaaminayo ayaa wuxuu yiri Madaxweyne inaan kula kulmaa rabay, farxad ayay ii tahay inaan ku arko, waan la yaabay, siduu ugu jadboobaday”
Ninkan dhalinyarada ah ayaa dhinaca kale ka digay in xaaladda ay gaarto gacan ka hadal, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka shaqeeyo in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda oo ah marka la gaarao 15-ka bishan May ee sanadka soo socda ee 2026-ka.
Waxaa kale oo uu farriin u diray mucaaradka fadhiya Hoteel Jasiira oo uu ugu baaqay inay iyaguna ka shaqeeyaan danta shacabka, ayna door wanaagsan ka qaataan dowlad dhiska.
“Farriinta aan diraayo waxaa waayey horta mucaaradka inay ka tarjumaan danta shacabka, waa inaad ka shaqeysaan shacabka waxa ay daneynaayaan iyo dhibaatada haysa inay ka saartaan” ayuu mar kale yiri Jaylaani Abshir.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxaad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana is haya mucaaradka iyo Villa Somalia, iyada oo dooda ay ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka iyadoo Madaxweynuhu rabo inuu qabto doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

