Soomaali badan ayaa sannad kasta u safra dalka Masar iyagoo rajo ka qaba inay helaan adeeg caafimaad, waxbarasho ama fursado ganacsi. Qayb ka mid ah Soomaalida ayaa sidoo kale u taga dalkaas majabaxsi ama dalxiis. Hase yeeshee, safarradan, halkii ay noqon lahaayeen kuwo sahlan oo qofku xor u yahay socdaalkiisa, waxay isu beddelaan waayo-aragnimo niyad-jab leh, oo ay la socdaan caqabado sharci, hab-maamuus iyo daryeel la’aan bini’aadamnimo.
Warbixintan waxa ay u dul istaagaysaa tallaabo-tallaabo caqabadaha horyaalla muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar u socdaala, iyadoo si gaar ah diiradda u saaraysa duruufaha ay maraan laga bilaabo codsiga fiisaha ilaa imaatinka garoonka Qaahira.
Caqabada koowaad: Fiisaha
Helitaanka fiisaha dalka Masar waxa uu noqday mid si gaar ah ugu adag dadka wata baasaboorka Soomaaliyeed. Ka dib marka aad buuxisid shuruudaha dal-ku-galka Masar, qofka waxaa lagu khasbaa inuu tigidh diyaaradeed goosto – iyadoo aanay jirin dammaanad ah in qofka fiisaha la siinayo. Shardigan wuxuu qofka gelinayaa halis dhaqaale, maadaama tigidhkaasi aan dib loo dhigi karin haddii fiisaha u daaho ama loo diido.
Dhibaatada dal-ku-galka waxaa qayb ka ah waqtiga uu qaato oo mararka qaar gaara bil dhan, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed ka daahisa qorshayaal muhiim ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ka sii daran in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorka dalka Soomaaliya ay maraan baaritaan amni oo ay sameeyaan hay’adaha ammaanka ee Masar.
Caqabadda labaad: Hal bil isku dabar
Inkasta oo fiisaha laga sugo muddo dhan bil, haddana marka ugu dambaysa ee aad hesho waxaa lagu siinayaa hal bil keliya inaad joogto gudaha dalka Masar. Qofka safarka u galaya caafimaad ama waxbarasho ma awoodo inuu howl muhiim ah ku qabsado muddo 30 maalmood ah. Dadka u baahan waqti dheeraad ah oo ay danahooda dalkaas kaga soo qabsadaan waxay ku khasban yihiin inay mar kale maraan caqabado hor leh si ay fiisaha ugu darsadaan.
Garoonka Qaahira: Xabsiga Soomaalida
Haddii aadan weliga xabsi gelin balse aad safar ku tahay Masar, Soomaalina aad tahay, waxaad diiwaankaaga ku darsanaysaa in lagugu la dhaqmay sida maxbuus. Tani waa xaqiiqada dhabta ah ee sugaysa muwaadinka Soomaaliyeed ee booqda garoonka Qaahira.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la kulma xaalado adag marka ay ka soo dagaan garoonka diyaaradaha ee Qaahira. Waxaa dhacda in la xannibo saacado badan, laga bilaabo habeenkii ilaa waaberiga. Tusaale ahaan, waxaa dhacda in muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu hayo garoonka laga bilaabo 1:00 habeenimo ilaa 7:00 subaxnimo, iyadoo aan la siinin cunto, biyo ama adeeg caafimaad — maadaama diyaaradaha Masar iyo Soomaaliya intooda badani ay habeennimo safraan.
Waxaa ugu daran inaad arki karto waayeel xanuunsan, haween iyo carruur u socdaalayey si ay daawayn u helaan, balse waqti dheer ku sugan gudaha garoonka. Arrintan waxay si toos ah u dhaawacaysaa karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuna tusaysaa hab-dhaqan ka fog maamuuska caalamiga ah ee loo hayo dadka safarka ah.
Itoobiya vs. Soomaaliya: Kala sarayn xanuun badan
Muwaadinka Itoobiyaanka ee Qaahira ka dega, waxaa markiiba loo fidiyaa adeeg toos ah, waxaana loo fududeeyaa safarkiisa, iyadoo hay’adaha socdaalka ee dalkaasi siiyaan muddada uu codsado inuu dalka joogo. Taas beddelkeeda, qofka Soomaaliga ah wuxuu dhibbane u yahay haybtiisa Soomaalinimo. Soomaaliga sita baasaboorka Itoobiya ayaana ka xuquuq badan kan wata baasaboorka Soomaaliyeed. Tani waa kala sarayn xanuun badan oo ay tahay in madaxda Soomaaliyeed wax ka qabtaan.
Xiriirka Soomaaliya iyo Masar: Iskaashi warqad ku eg
In kasta oo la sheegayo in xiriirka labada dal uu kobcayo, arrimaha ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar u socdaala ma muujinayaan wax horumar ah oo la taaban karo. Ma jirto saameyn togan oo xiriirkaasi ku yeeshay fududeynta socdaalka, kor u qaadista karaamada dadka, ama xitaa helidda taageero diblomaasiyadeed oo degdeg ah.
Waxaa muuqata in isdhexgalka labada dal uu ku egyahay ka hadalka xaaladda gobolka iyo danaha Masar ka leedahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ku safra baasaboorka xasaanadda leh ee gaduudka ah waxay moogan yihiin dhibta Soomaalida ku haysta garoonka Qaahira — oo ay mararka qaar si fudud uga gudbaan goobaha sugitaanka.
Dowladda Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay si dhab ah u difaacdo muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, halka dowladda Masarna laga doonayo inay ula macaamisho dadka Soomaaliyeed si la mid ah sida ay ula dhaqanto muwaadiniinta dalalka kale ee dariska ah.
Waxaa la joogaa waqtigii laga tallaabsan lahaa siyaasadda kala sooca ee u dhexeysa dublumaasiyiinta iyo danyarta, loona gudbi lahaa iskaashi dhab ah oo diiradda saara dadka Soomaaliyeed iyo karaamadooda.