25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Muxuu Xasan Sheekh maanta ka sheegay Addis Ababa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb-galay shirka qiimaynta horumarka nidaamyada cuntada ee Qaramada Midoobay oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madashan ayaa soo bandhigay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka cunto-yarida, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cunto ee waara.

Xasan Sheekh ayaa muujiyey in Soomaaliya ay saameeyeen abaaraha soo noq-noqda iyo isbeddelka cimilada, taas oo horseedday in malaayiin qof ay wajahaan cunto-yari, waxa uuna adkeeyay in horumarinta nidaamka wax-soosaarka dalagga iyo xoolaha uu yahay lagama maarmaan si looga gudbo duruufaha nololeed.

“Istaraatiijiyadda horumarinta beeraha, waxay si cad u qeexaysaa ahmiyadda ay leeyihiin hagaajinta maamulka, kordhinta wax-soosaarka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga beeraha, iyo xoojinta awoodda hay’adaha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan aaminsanahay in beeruhu aysan kaliya dadka quudin, balse ay sidoo kale abuurayaan shaqooyin, xoojinayaan nabadda, islamarkaana ay Soomaaliya u diyaarinayaan mustaqbal ifaya”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku saleysan dib-u-dhiska (National Transformation Plan), kaas oo mudnaanta siinaya horumarinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha miyiga, iskaashiga dowlad iyo ganacsatada, dhisidda nidaamyo suuq-geyn ah oo xoojinaya isku xirnaanta beeraleyda, suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

“Sugnaanta cunnadu waa nabad dhisid, isbeddelka beerahana waa dhisidda qaran. Maalgashi kasta oo lagu sameeyo waa maalgashi lagu dhisayo nabad waarta iyo koboc dhaqaale oo loo siman yahay”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya, iyagoo taageero siinaya kaabeyaasha wax-soo-saarka, dhaqaalaha cagaaran iyo hirgelinta tiknoolojiyadda casriga ah ee dhanka beeraha si loo abuuro nidaamyo cunto oo dadka Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iidaystaan.

- Advertisement -

Read more

Local News