27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Soomaaliya oo shaacisay in la soo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay Itoobiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xiisadda labada dal ayaa salka ku haysay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ujeedkiisu ahaa marin badeed iyo saldhig ciidan oo Itoobiya ka hesho Somaliland.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar oo arrintaan xaqiijiyay ayaa sheegay in dadaalladii dhex-dhexaadinta ee Turkigu sameeyay ay horseedeen in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in labada dal ay ku heshiiyeen iskaashi dhow oo ku saabsan arrimo istaraatiiji ah, maadaama ay yihiin dalal daris ah oo xubno ka ah Midowga Afrika.

“Khilaafkaas wuu dhammaaday. Waxaan u mahadcelinaynaa Turkiga. Wada-hadalladii dhex-dhexaadinta waxay keeneen heshiis, Itoobiya waxay ixtiraami doontaa madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulka,” ayuu Balcad ku yiri wareysi uu siiyay Al-Araby al-Jadeed.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in Itoobiya si sharci ah uga faa’iidaysan karto dekedaha Soomaaliya ujeeddo ganacsi awgeed, iyadoo la raacayo qawaaniinta caalamiga ah ee ku saabsan badeecad-dhaafka iyo isticmaalka badda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan Itoobiya, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shirka Qaramada Midoobay ee dib-u-eegista nidaamka cuntada (UNFSS+4).

Si kastaba, hadalka Wasiir Balcad oo gebi ahaanba meesha ka saaraya khilaaf siyaasadeed oo haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa haddana waxaa muuqaata ifafaalo ay mar kale ku kala tagi karaan labada dhinac, maadaama ay Addis Ababa weli si dhab ah uga tanaasulin damaceeda badda.

- Advertisement -

Read more

Local News