27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

PUNTLAND oo hanjabaad halis ah u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Wasiiru-Dowlaha Qorshaynta Puntland, Faarax Aw Cismaan, ayaa u hanjabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu si toos ah uga shaqeynayo burburinta Puntland iyo hurinta colaado ka dhex qarxa maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay xuska 1-da Agoosto oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Puntland ee ku nool dalka Maraykanka. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexday ballanqaadkii uu shacabka u sameeyay ee ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” isaga oo ku eedeeyay in madaxweynaha uu si toos ah mas’uul uga yahay dhiig ka daatay gudaha Jubbaland iyo Puntland.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa lagaala xisaabtamayaa dhiigga ku daatay Raas-Kambooni iyo Dhahar. Dhibic kasta oo daadatay adiga ayaa mas’uul ka ah,” ayuu ku hanjabay Wasiir Faarax.

Wasiirku waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ciidamo taabacsan maamulka cusub Waqooyi-bari ay isku dhaceen kuwa Puntland. Puntland ayaa horey ugu eedeysay dowladda Federaalka in ay taageereyso maamulkaasi, isla markaana ay hurineyso colaad ka dhan ah midnimada Puntland.

“Waan ka xumahay in dadkii aan u dirsanay Xamar si ay u difaacaan danta Puntland ay maanta noqdeen kuwa ka shaqeynaya kala qaybinta Puntland. Qori dab leh ayay la dhex wareegayaan Soomaalida,” ayuu raaciyay.

Wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntland ay si dadban uga qayb qaateen burburinta hay’adihii maamul goboleedka, isagoo ku eedeeyay in ay ka tageen masuuliyaddii ka saarnayd difaaca xuquuqda Puntland ee dowladda Federaalka.

Khudbadda Wasiir Faarax ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka jiraan gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Dhahar, halkaas oo Puntland ay sheegtay in la isku dayayo in lagu xiro maamulka Waqooyi-bari ee ay Dowladda Federaalka aqoonsatay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar 2023 si rasmi ah u aqoonsatay maamulka ku-meelgaarka ah SSC-Khaatumo, kaddib heshiis ay Muqdisho kula saxiixatay odayaasha dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Puntland waxay talaabadaasi ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ka dhan ah qodobada Dastuurka KMG ah.

Xiisadda ayaa sii kululaatay bishii Luulyo 2025, kadib markii dagaal culus uu ka dhacay magaalada Dhahar, taasoo keentay in maamulka Puntland si toos ah u eedeeyo Villa Somalia. Puntland waxay ku tilmaantay faragelinta dowladda mid baalmarsan dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Dhinaca kale, khilaafkan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Puntland ay bishii Maarso 2024 si rasmi ah u shaacisay in aysan ka tirsanayn hay’adaha dowladda Federaalka, kaddib markii Villa Somalia ay meelmarisay wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo aan lagu darin talo iyo oggolaansho gobollada qaarkood, sida ay ku dooday Garoowe.

Falanqeeyeyaasha siyaasadeed ayaa ka digay in khilaafka sii daba dheeraada uu wiiqi karo dadaallada dib-u-heshiisiinta qaranka, islamarkaana uu sababi karo kala fogaansho maamul oo horseeda burbur siyaasadeed iyo amni.

- Advertisement -

Read more

Local News