25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Turkiga oo wafdi sare u diray Saciid Deni kadib qabsashadii markabka

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo weli lagu hayo markabkii hubka siday ee kusoo socday xerada TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha wafdiga ayaa isugu jiro mas’uuliyiin sar sare oo ka socda xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho iyo saraakiil ciidan, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ujeedka wafdiga ka socda Turkiga ee kusii jeeda Boosaaso ayaa ah in wada-hadallo ay la yeeshaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, iyaga oo kala hadlaya arrimaha la xariira Markabka Sea World ee huriyay xiisadda u dhexeysa maamulkaas iyo dowladda.

Markabka oo wada shixnado hub ah oo aad u culus  ayaa doodihiisa ay socdeen todobaadkii ugu dambeeyey, waxaana haatan laga wada hadlayaa sii deyntiisa, si usoo gaaro Muqdisho.

Puntland ayaa haatan isu diyaarinaysa inay sii deyso markabkan siday qalab ciidan ee loogu talagalay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib dhexdhexaadin diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo Imaaraadka Carabta uu u sameeyay Turkiga, sida ay ilo-wareedyo dowladda ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Puntland qorshaha sii deynta markabka ayaa yimid kaddib cadaadis toos ah oo ka yimid safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Sidoo kale, safaaradda ayaa la sheegay inay soo faragelisay kaddib markii Ankara ay cabasho kulul u gudbisay, iyadoo u aragtay qabashada gargaarkeeda militari ee ay fulisay Puntland—oo ah dowlad-goboleed Soomaaliyeed—mid meel ka dhac weyn ku ah.

Dhacdadani waxay tusaale muuqda u tahay isbeddelka ku yimid isbahaysiyada gobolka. Turkiga iyo Imaaraadka oo mar isku khilaafsanaa dagaallo wakaaladeed sida kii Liibiya, ayaa tan iyo markaas dib u hagaajiyay xiriirkooda, taasoo ay sii adkeeyeen booqashooyin heer sare ah iyo heshiisyo iskaashi oo balaayiin dollar ah.

In Ankara ay awood u yeelatay inay ku tiirsanaato Abu Dhabi si ay cadaadis u saarto Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni—oo ah xulufo dhow la ah Imaaraadka—waxay muujinaysaa heerka uu gaaray heshiiskooda.

- Advertisement -

Read more

Local News