25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xaqiiqda ku hor gudban in Somaliland ay aqoonsi ka hesho dowladda Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa in ka badan 30 sano ku hawlaneyd sidii ay u heli laheyd aqoonsi caalami ah, balse dadaalladaasi weli ma aysan miro dhalin.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadda miiska soo saaray qorshe cusub oo uu u wado Washington oo ah “in Mareykanka loo oggolaado dhismaha saldhig milatari iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka macdanta, beddelkeedana lagu helo aqoonsi diblomaasiyadeed.”

Qorshahan, inkasta oo sharaxaad ahaan u muuqdo mid sahlan, haddana dhanka fulinta waa mid aad u adag oo aan suurtagal u muuqan. Dhab ahaantii, Mareykanka uma baahna inuu aqoonsi ku bixiyo saldhig milatari.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu soo bandhigtay Washington fursad ay ka samaysan karto xarumo Berbera, Kismaayo iyo meelo kale, qayb ka ah iskaashiga amniga.

Ciidamada Mareykanka waxay ka howl-galaan gudaha Soomaaliya iyagoo oggolaansho ka helaya Muqdisho, inkastoo ay leeyihiin xiriir aan rasmi ahayn oo ka dhaxeeya Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa bixisa awoodda sharciga ah, taas oo ka dhigan in dowladda dhexe bixinayso, halka ay Somaliland fududeynayso dhanka dhulka, sida uu sheegay falanqeeye Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu yiri: “Mareykanku uma baahna inuu aqoonsado Somaliland ama dib u qeexo xuduudaha Soomaaliya. Indhaha Washington, Muqdisho waa kan leh awoodda rasmiga ah; Hargeysa-na waa mid raacsan hoggaankaas.”

Arrintani ma aha mid cusub. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hore ugu soo bandhigay Itoobiya marin badeed beddelkiis aqoonsi, qorshe ay dowladda dhexe ee Muqdisho si degdeg ah uga hortimid.

Labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa waxay si weyn ugu tiirsan yihiin taageerada milatari ee Mareykanka, gargaar bani’aadantinimo iyo mashaariic horumarineed. Istaraatiijiyad ahaan, hore ayay ugu jireen hooska amniga ee Washington.

Ololaha saldhig iyo aqoonsi

Ololahan cusub wuxuu u muuqdaa mid siyaasadeed halkii uu noqon lahaa guul diblomaasiyadeed dhab ah. Xukuumadda Cirro ayaa haatan wajahaysa cadaadis gudaha ah oo ay ka mid yihiin xiisadda Laascaanood, dhaqaale xumo baahsan iyo burburkii heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya.

Si kastaba, xaqiiqadu waxay tahay in Mareykanku uusan u arkin aqoonsi mid lagu beddelo saldhig, halka Somaliland-na aysan awoodin inay sharciyad caalami ah ku hesho kireynta dhulkeeda.

Aqoonsigu ma ahan badeeco ganacsi ee waa go’aan siyaasadeed oo saameeya nidaamka caalamiga ah, taas oo ay aad u yar tahay fursadda ay Washington uga beddeli karto heshiis kireysi milatari.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News