Hargeysa (Caasimada Online) โ Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo sanadihii dambe ka mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland, ayaa runta u sheegay Xukuumadda Somaliland, oo si weyn u iibgeynaysa “in Mareykanka uu noqon karo dalkii u horreeyay ee aqoonsada”.
Samatar ayaa marka hore sheegay in uu bogaadinayo in la raadiyo in xiriir dhow lala yeesho Mareykanka, isagoo geesta kalena duray in halkaasi uu Somaliland ka jiro aqoonsi dhab ah waqti dhow, ayna tahay inay tamar iyo dhaqaale geliso dowladaha quwada leh ee haatan qaarkood ay colaadsatay Somaliland.
“Mareykanka adduunyada dhan ayuu mid walba doonayaa inuu gacanta ku qabto, marka Somaliland taariikh hore noo dhex taalayna ma jirto, mashquulna wuu ku yahay waxaas,” ayuu yiri Prof Samatar.
Waxa uu intaas kusii daray “Mareykanka in la xara-dhaamiyo oo la xod-xoto waa sax, oo waxaa qabaa in aan laga maarmayn, laakiin waddamo kale ayaa jira oo quwadihii adduunka ku ururayso, waxaana kamid ah waddanka Shiinaha.”
Prof-ka ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurta-galnimada in Mareykanka uu saldhig milatari ka sameysto Berbera, taas oo qeyb ka ah yabooha Somaliland ee Washington, maadaama aysan halkaasi ka fogeyn saldhiga weyn ee uu ku leeyahay dalka Jabuuti, oo ah kan ugu weyn ee gobolka.
“Trump waa nin ay maskaxdiisa iyo hadalkiisu ay qasan yihiin oo adigoo si u arkaya unbay hadana sida kale noqoneysa, laakiin waqtiga dheer Mareykanka waxyaabaha aan kaga faa’iideysan karno waxa kamid ah; ma ahan un aqoonsiga ee waa dhismaha waddanka, jaamacadaha, xagga caafimaadka iyo howlahaas in la dhiso.”
Dhinaca kale, Samatar ayaa tusaale usoo qaatay sida uu Shiinaha u dhisay Nairobi, iyo saameyntiisa Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda, isagoo ku dheeraaday in quwada Shiinaha ay muhiim u tahay Somaliland, oo ayadu haatan cadow ka dhigatay dalkaasi, kadib markii ay xiriir la sameysatay Taiwan, oo ayaduna haysan aqoonsi buuxa.
“Wax badan ayey u baahan tahay in siyaasadda dibadda laga beddelo. Marka haddii ay dhab naga tahay dadaalka ah in la keeno in nala garto in aynu dad nahay oo dowlad haysta oo adduunyada kursiga ay ku leeyihiin xaq ku leh waxay u baahan tahay in isbeddel dhab ah lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland,” ayuu yiri Prof Samatar.
Prof-ka ayaa hoggaanka Somaliland kula taliyay inay siyaasadda dhab ah la yimaadan, taasi oo lagu wajahayo quwadaha adduunka oo ka ballaaran Mareykanka iyo sidii xiriir loola sameyn lahaa, taas oo si dhab ah u sahli karto aqoonsi ay hesho Somaliland, sida uu sheegay.
Hoos ka daawo wareysiga Samatar