Abaabulkii ugu xooganaa oo ka socda Sh/Dhexe + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Warsheekh (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilowday gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle, si kooxda looga saaro deegaanadii ugu dambeeyay ee ay qabsatay.

Abaabulkan ayaa waxaa ku biiray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan ciidankada Xoogga dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray aagga degmada Warsheekh, halkaas oo lagu diyaariyay boqolaal ciidamo ah, si dhiig cusub loogu shubo dagaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa maanta booqday deegaanka Xaluule, waxaana ay kulameen ciidamo deegaanka ah oo lagu diyaariyay halkaasi, si ay ugu dhiirogeliyaan dagaalka xoreynta ee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo goobta ka hadlay ayaa bogaadin u jeediyay ciidanka deegaanka Macawisley ee lasoo bandhigay, wuxuuna faray inay dhaqaaqaan oo ay iska xoreeyaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaareen dagaalka, isagoo ku boorriyay in ay mar kale sii laba jibbaaraan dadaallada ay haatan ka wadaan deegaanka.

“Maanta iyo marqaati wixii hore hadda waa ka duwan tahay waxaan rabnaa idinkoo mid ah inaad dhaqaaqdaan oo aad iska xoreysaan cadowgaa Khawaarijta” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhankiisa Duqa Muqdisho oo kaalin muuqata ku leh diyaarinta iyo abaabulka ciidamada deegaanka ee loogu talagalay ka qaybgalka duullaanka ku wajahan Khawaarijta, ayaa ciidamada Macawisleyda ah u sheegay in dhawaan la billaabi doono hawlgal saf ballaaran, iyadoo la fulinayo hagidda Madaxweynahaย Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Muungaab ayaaย caddeeyey in ciidamadan Macawisleyda ah oo gaaraya boqollaal mujaahid, aysan ku jirin hal xubin oo katirsan Ciidanka Qaranka, balse dhammaantood ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Kormeerkan ayaa loo arkaa tallaabo dhiirrogelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa howlgallada ka socda gudaha dalka, iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka, kuwaas oo hadda u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta, xilli dowladda Soomaaliya ay soo gebagabaysay diyaar-garowgii ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News