25.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Mucaaradka oo soo jawaabay kadib eedeyntii Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa diiday in lagu eedeeyo fashilka wada-hadalladii siyaasadeed ee ka qabsoomay Muqdisho, iyagoo si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, qeybna ka ahaa kulamadii u dambeeyay ee Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka ayaa sheegay in fashilka uu sababteeda leeyahay Madaxweynaha.

“Madaxweyne dadku waa ogyihiin in dagaalka argagaxisada laguugu garab taagnaa, lagaase yeeli maayo in guuldarradii ka dhalatay khilaafka dastuurka, musuqa, eexda iyo boobka dhulka danta guud aad cid kale dusha ka saarto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaabay eedeyntii Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay gabeen kaalintoodii dagaalka Al-Shabaab, taas oo ay iska fogeeyeen mucaaradka. Sidoo kale, Madaxweynaha oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa mucaaradka ku tilmaamay “kuwa aan lahayn aragti mideysan oo lagu horumarin karo dalka”.

Madaxweynaha ayaa fashilka wada-hadalladii siyaasadeed u saariyay mucaaradka, oo uu sheegay in ay rabaan in loo laabto amuurtii dastuurka 2012-kii. “Aan ka doodno xitaa waa diideen,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ku dooday in dowladdiisa ay abuurtay fursado badan oo wada-hadal ah, isla markaana la tashiyo lala sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, welina ay diyaar u yihiin in laga wada-hadlo xaaladda dalka, balse “aysan ogolaan doonin in Soomaaliya lagu sii hayo halkeeda.”

Si kastaba, weerarka madaxweyne Xasan Sheekh uu xalay ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka iyo weerar celiska xubnaha mucaaradka ayaa gebi ahaanba burburinaya wada-hadalladii siyaasaddeed ee mudooyinkii dambe u socday labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News