24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Dowladda Kenya oo qabatay saddex gaari oo ka baxay Soomaaliya – Maxay siddeen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay saddex gaari xamuul ah oo si sharci-darro ah uga soo tallaabay xadka Soomaaliya, kuwaas oo siday sonkor iyo saliid cunto.

Talaabadan ayaa loo arkaa dhirbaaxo xooggan oo soo gaartay shabakadaha ganacsiga sharci-darrada ah ee ka hawl-gala xeebaha dalka. Bayaan kasoo baxay Hay’adda La-dagaallanka Badeecadaha Been-abuurka ee Kenya (ACA) ayaa lagu sheegay in howl-galka lagu qabtay gaadiidkan uu ka dhacay magaalada Malindi, iyadoo lala shaqeynayay Kooxda Isku-dhafka Amniga (Multi-Agency Team).

Intii howl-galka socday, waxaa la soo qabtay 676 kiish oo sonkor ah oo lagu waday saddexda gaari, waxaana xabsiga la dhigay siddeed qof oo lagu eedeeyay falkaas, kuwaas oo hadda ku jira gacanta Booliska Malindi.

Agaasimaha Guud ee ACA, Mbugua Njoroge ayaa sheegay in badeecooyinkaasi oo qiimahoodu gaarayo ku dhawaad Ksh10 milyan ay khatar ku ahaayeen dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in badeecooyinka si qarsoodi ah loo soo geliyo ay dhaawacaan dakhliga dowladda, halisna ku yihiin ganacsiyada sharciyeysan, isla markaana ay saldhig u noqon karaan dambiyo abaabulan iyo xitaa argagixiso.

“Qabashada badeecooyinkan sharci-darrada ah ma aha oo kaliya ilaalinta shacabka ee sonkor iyo saliid waxyeello leh, balse waa difaac dhaqaale iyo mid amni. Sonkorta sharci darrada ahi waxay dhaawacdaa warshadaha gudaha, taas oo si toos ah u saameysa kumannaan beeraley iyo malaayiin qof oo ku tiirsan qaybtaas,” ayuu yiri Njoroge.

Hay’addu waxay xustay in badeecooyinka sharci darrada ahi sanad walba ku kacaan celcelis ahaan Ksh153 bilyan oo canshuur lumis ah, isla markaana sababaan in ka badan 40,000 oo shaqooyin ah inay lunto.

Intii lagu jiray sannadkii ugu dambeeyay, ACA waxay shaacisay inay qabatay badeecooyin sharci darro ah oo qiimahoodu ka badan yahay Ksh500 milyan, halka 120 qof oo lala xiriiriyay ganacsigan sharci-darrada ahna la xiray.

- Advertisement -

Read more

Local News