24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Wasiir Beene-Beene oo beeniyay faddeexafdii uu sheegay Xasan Cali Kheyre

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene ayaa si adag u beeniyay in nus bilyan dollar oo taageero ah dib looga celiyay dowladda.

Hadalkaan ayaa waxaa hore u sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, isagoo sheegay in lacagtaan looga celiyay dowladda sababo la xiriira gaabis dhanka mashaariicda horumarineed

“Waxaan si adag u beeninayaa hadalka aan sal iyo raadka lahayn ee uu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore, Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ku andacooday in ku dhowaad nus bilyan doollar oo taageero dibadeed dib loo celiyay sababo la xiriira gaabis dhanka mashaariicda horumarineed,” ayuu yiri Beene-Beene oo beeniyay hadalka kasoo yeeray Kheyre.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si hufan oo isla-xisaabtan leh u maamusho deeqaha, iyadoo waafajinaysa mudnaanta qaran.

“Si loo hubiyo in taageerada caalamiga ah ee hesho Soomaaliya ay saameyn togan oo muuqata ku yeelato nolosha shacabka Soomaaliyeed, si hufan oo isla xisaabtan leh ayaa loo maamula deeqaha,” ayuu yiri Beene-Beene.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku baaqay dhamaan dhinacyada siyaasadda in marnaba aysan siyaasadayn mashaariicda horumarineed ee qaranka.

“Waxaa naga go’an ilaalinta kalsoonida deeq-bixiyeyaasha, waxaana si xushmad leh ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in aanay siyaasadayn mashaariicda horumarineed ee qaranka,” ayuu yiri.

Maalin ka hor, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in musuq-maasuqa iyo habdhaqanka dowladda Xasan Sheekh ay horseeday in dunidu naga aamin baxdo oo ay dib-u-eegis ku sameyso dhaqaalihii ay ku bixin jiray Soomaaliya.

“Waxaa xusid mudan in lagu fashilmay fulinta mashaariicdii horumarineed ee hay’adaha caalamiga ah u qoondeeyeen Soomaaliya, maadaama aanay dowladdu lahayn karti iyo hufnaan ay ku fuliso, taas oo horseedday in lacag nus bilyan doolar ku dhow ay dib ugu noqoto deeqbixiyayaasha caalamiga ah,” ayuu Kheyre ku yiri war-saxaafadeed uu ku soo beegay 3 sano iyo 3 bilood kadib doorashadii Madaxweyne Xasan.

- Advertisement -

Read more

Local News