24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Xogta wada-hadallo James Swan uu la yeeshay Saciid Deni iyo Laftagareen + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha  Puntland Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo ugu tegay xaruntiisa magaalada Garoowe.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka iyo tan Puntland, waxaana kulanka ka qayb-gala xubno ka mid ah golaha xukuumadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga, siyaasada iyo arrimaha ban’aadantinimo.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu oo qaaday arrimo la xiriira howlgalka ciribtirka Argagixisada ee ka socda aagga buurahaCalmiskaad, iyada oo James Swan uu Puntand ku boggaadiyay sida ay isaga ciribtirayso kooxda Daacish.

Ergeyga QM ayaa sidoo kale shalay tegay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, wuxuuna halkaas wada-hadallo kuwaan lamid ah kula soo yeeshay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Arrimaha ay sida gaarka uga hadleen waxaa kamid ah xoojinta xiriirka Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobey, diiwan-gelinta codbixieyaasha, taageerada hay’adaha QM ee dhanka horumarinta iyo gargaarka bani’aadannimo, dadaallada nabadda iyo amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo barnaamijyada dowlad-dhisidda.

Intaas kadib Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey bahda QM kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, halka Danjire James Swan uu ku ammaanay maamulka Koonfur Galbeed sida ay uga shaqeeyaan arrimaha nabadda iyo xasilloonida.

Wada-hadalladan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, si dalka looga xoreeyo waxaana iska kaashanaya dowladda Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo is abaabulay.

- Advertisement -

Read more

Local News