24.6 C
Mogadishu
Tuesday, August 26, 2025

DF Soomaaliya oo $700,000 ku wareejisay Somaliland + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya maanta deeq lacageed gaarsiisay xukuumadda Somaliland, si wax looga qabto abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi, waxaana toos lacagtan loogu shubay guddiga gurmadka abaaraha Somaliland.

Sheeh Maxamed Geeddi oo kamid ah guddigaas oo uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen lacag dhan 700,000 oo dollar oo uga timid Soomaaliya, isaga oo ka mahadceliyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay weligeed dhaqan u lahaan jirtay is caawinta, arrintana ay qayb ka tahay si loogu gurmado dadka ay saameeyeen abaaraha.

“700,000 oo dollar ayay Soomaaliya noo soo dirtay abaaraha waana wax aan dhaqan u lahaan jirnay had iyo jeer marka ay abaaruhu meel ka dhacaan inaynu isu gurmano waa uga mahadnaqeynaa, waana ugu duceyneynaa” ayuu Sheekh Maxamed Geeddi.

Xaaladaha bani’aadanimo ee Somaliland ayaa haatan kasii dareysa, kadib markii ay korortay baaxadda abaarta saamaysay dadka iyo duunyada, sida ay shaacisay xukuumadda/

Dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa horay u amray in hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ay dhakhso uga howl-galaan sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa bulshada gobolka Awdal oo degmooyin kamid ah ay soo wajahday xaalad abaar oo xooggan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

- Advertisement -

Read more

Local News