25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Muxuu Midowga Afrika ka yiri heshiiska siyaasadeed ee lagu gaaray Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay heshiiska 25-kii bishaan ay magaalada Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubaha mucaaradka ee dhawaan ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Heshiiskaas ayaa qeexaya khariidad-waddo horseedaysa doorashadii ugu horreysay ee “qof iyo cod ah” oo Soomaaliya ka dhacda muddo ka badan 50 sano.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay dhammaan saxiixayaasha heshiiska in ay sii wadaan dhaqan-gelintiisa, taas oo door ka qaadan karta in xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka, kaas oo salka ku haya hanaanka loo marayo doorashooyinka soo aadan.

Maxamuud ayaa u soo jeediyay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay taageero buuxda u fidiyaan sidii loo xoojin lahaa guushan siyaasadeed ee la gaaray iyo in la qaato wada-hadal iyo is afgarad lagu xalliyo dhammaan arrimaha harsan ee hannaanka doorashada dalka la xiriira.

Guddoomiyaha ayaa beesha caalamka ku dhiiri-galiyay in ay sii wadaan taageeridda hannaanka dimoqraadiyadda iyo dawlad-dhiska Soomaaliya, iyada oo la raacayo mudnaanta ay qeexeen hay’adaha Soomaaliyeed.

Bayaanka ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamed Cali Yuusuf ayaa lagu shaaciyay in Midowga Afrika uu mar kale xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay in Soomaalida ay ku wada heshiiyaan xoojinta tubta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Heshiiskan oo la saxiixay kadib wada-hadallo xooggan, wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku yimid marxaladda siyaasadeed ee cakiran ee Soomaaliya. Wuxuu dalka dib ugu celinayaa nidaamka baarlamaanka, halkaas oo xildhibaannadu ay doortaan madaxweynaha, laakiin tan ugu muhiimsan, wuxuu dejinayaa waddo looga gudbayo nidaamka awood-qaybsiga ee ku salaysan qabiilka, kaas oo siyaasadda dalka qaabeeyay tobanaan sano.

Soomaaliya kama aysan dhicin doorasho toos ah oo dadweyne codkooda ku dhiibtaan tan iyo 1969-kii, sanadkii uu afgambi militari talada kula wareegay Siyaad Barre.

Tan iyo burburkii xukuumaddiisa ee 1991-kii, oo ay daba socdeen sanado dagaal sokeeye ah, dalku wuxuu ku tiirsanaa hab doorasho oo dadban, halkaas oo odayaasha dhaqanka iyo ergooyinku ay soo xulaan xildhibaannada, waana hannaan si weyn loogu dhaliilay inuu yahay mid madmadow badan, aan loo simanayn, oo u nugul musuqmaasuq.

Heshiiska ayaa sidoo kale soo bandhigaya sharci cusub oo loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka xisbiyada siyaasadda ee Soomaaliya, kaas oo aqoonsi qaran siinaya urur siyaasadeed kasta oo hela ugu yaraan 10% kuraasta baarlamaanka.

Inkasta oo heshiiskani yahay tallaabo weyn oo horay loo qaaday, caqabadaha horyaalla Soomaaliya ayaa weli ah kuwo aad u waaweyn. Labada dhinacba waxay ballan-qaadeen inay xoojinayaan amniga ayna dardar-gelinayaan hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News