25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

R/W Xamza oo dalka keenaya 100 shirkadood + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Yinchuan (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa dalka ku casuumay in ka badan 100 shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah.

Xamza oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlayay isku-xiridda ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sharaxay siyaasadaha maalgashiga ee dowladda iyo fursadaha khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ay kamid yihiin: Horumarinta tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah, kobcinta beeraha iyo dhaqaalaha xoolaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha iyo ismaamulka gobolka Ningxia, ayaa lagu magacaabay “shirka isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee Ningxia”.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid in ka badan boqol shirkadood oo Soomaali iyo Shiinays ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee labada dhinac, ayna Soomaaliya noqoto xarun muhiim ah oo ganacsiga iyo isku xirka Carabta, Afrika iyo Aasiya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka Shiinaha ayaa sidoo kale ka qeyb-galay bandhigga 7-aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) oo lagu qabtay magaalada Yinchuan, halkaasi oo uu ku soo bandhigay fursadaha muhiimka ah ee ka jira dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News