Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa tegi doona magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre ayaa qorshuhu yahay inay qeyb-galaan xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Timacadde.
Timacadde ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka kaalintii ay ku lahayd in laga dulqaado dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle xaaladihii adkaa ee ay muddo dheer ku jireen.
Wuxuu tilmaamay in hoggaanka qaranku uu fuliyey waajibaadkooda ilaalinta midnimada dalka. Dowladda Federaalka ayaa door weyn ku laheyd in Laascaanood laga dhiso maamul rasmi ah oo kamid ah maamul goboleedyada dalka.
Senator-ka ayaa carrabka ku adkeeyey in xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto Sool, Sanaag iyo Cayn ay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan taageerada iyo xoojinta maamulka cusub, si uu u yeesho awood uu kaga gudbo caqabadaha horyaalla.
Sidoo kale, wuxuu xusay in la dhammayn doono khilaafkii iyo kala qaybsanaantii hore uga dhex jirtay siyaasiyiinta ku metela Dowladda Federaalka gobolladaasi.
Cabdullaahi Timacadde, oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa caan ku ahaa inuu si dhow ula shaqeeyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Hase yeeshee, waayadan dambe wuxuu ka mid noqday siyaasiyiinta taageeray mowqifka bulshada reer Sool ee ku adkaysatay dhismaha maamul cusub oo ay iyagu hoggaaminayaan.