32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Kadib QATAR, dalkee ayey weerari doonta Israel?

Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Dadka Carabta ayaa si weyn baraha bulshada uga falceliyay weerarkii Israa’iil ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Xamaas.

Tan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan dalalka xiga ee Israa’iil ku wajihi karto weerar kale. Qaar ka mid ah dadka falcelinayay waxay si toos ah u tilmaameen dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

Dhanka kale, eedeymo ayaa loo jeediyay Mareykanka iyo Britain, iyadoo lagu sheegay inay si dadban uga dambeeyeen weerarka. Dad badan ayaa ugu baaqay waddamada Khaliijka iyo guud ahaan Carabta inay si mideysan uga jawaabaan tallaabooyinka Israa’iil.

September 10-keedii, baraha bulshada ee X ayaa lagu arkay hashtags Carabi ah sida “Doha,” “Saldhigyada Mareykanka,” iyo “Israa’iil,” kuwaas oo in ka badan 598,000 jeer la adeegsaday. Falcelintani waxay sare u qaaday doodda ku saabsan waxa ku xiga dhacdadii ka dhacday Qatar.

Dad badan ayaa rumeysan in weerarka lagu qaaday Doha uu fariin u ahaa dalalka kale ee Carabta, gaar ahaan Masar. Siyaasiyiin mucaarad ah oo Masar ka tirsan ayaa xusay in weerarro kale oo Israa’iil ka dhan ah dalalka gobolka ay u muuqdaan kuwo suuragal ah.

Hoggaamiyaha mucaaradka Taariq Xabiib ayaa sheegay in Israa’iil ay si fudud u beegsan karto Qaahira ama Riyaad, isagoo ku tilmaamay arrintaas khatar muuqata.

Saxafiyad Masri ah, Rania Badawi ayaa ku doodday in weerarku uu muujinayo in martigelinta hoggaamiyayaasha Xamaas aysan ahayn oo keliya arrin siyaasadeed balse ay khatar toos ah ku tahay amniga qaranka. Waxay ku boorisay shacabka inay fahmaan halista sii kordheysa.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka ka falceliyay ayaa carabka ku adkeeyay in mashruuca Israa’iil iyo saaxiibbadeeda reer galbeedku aanu lahayn xad, isla markaana uu Bariga Dhexe ku sii fogeynayo qalalaase iyo dagaal.

Mid ka mid ah dadka reer Urdun ah ayaa sheegay in qof walba oo maanta dareema ammaan uu berri noqon karo bartilmaameed. Qoraallo kale oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa Turkiga lagu tilmaamay mid laga yaabo inuu noqdo bartilmaameedka xiga, inkastoo Masar loo arko meesha ugu nugul marka la eego xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu wajahayo.

Falanqeeyayaasha gobolka qaarkood waxay ku baaqeen in dalalka xiriirka caadiyaystay la leh Israa’iil dib uga fiirsadaan mowqifyadooda, iyagoo ku adkeeyay in weerarradu yihiin qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo lagu cabburinayo dunida Carabta.

Si kastaba, tan ayaa sare u qaadeysa doodda in wixii shalay ka dhacay Tunisia, maanta Doha ka dhacay, berri ay suurtagal tahay inuu ka dhaco dal kasta oo Carbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News