25.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Daawo: Muungaab oo shaaciyay go’aan cajiib ah oo kor ugu qaaday dakhliga gobolka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shaaciyay in Dowladda Hoose ee Xamar ay sameysay koror dhaqaale muddadii koobnayd ee uu joogay xafiiska.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay inuu dib-u-habeyn ku sameeyay maamulka gobolka, isla markaana uu meesha ka saaray malaayiin doollar oo si macno-darro ah uga bixi jirtay Dowladda Hoose ee Xamar.

Muungaab ayaa tilmaamay in tallaabooyinkaas ay u horseedeen in gobolka Banaadir uu dhaqaale ahaan isku filnaado, isla markaana muddo saddex bilood ah lagu dhiso waddooyin muhiim ah oo sanado badan la dhaqaajin waayay.

“79 agaasime oo qaarkood magacyadooda haddii la idin sheego fadhiga qosol uga kaceysaan ayaa meesha ku nimid, waxaan kusoo reebnay 34. Waxa nasoo galaya waa la beekhaansanay, waxa naga baxaya halka ay ku baxayaan ayaa hubinay, dakhliguna wuu noo kordhay,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Wuxuu intaas ku daray: “Cayrtii la qaadanayay iyo lacagihii sharci-darrada ku dhisnaa waa joojinay. Dhaqaalaha Dowladda Hoose qaado waa canshuur, waana in lagu bixiyaa meel shacabka wax u taraysa. Cidda aan siinayno waa inay noqoto cid shacabka u adeegaysa.”

Muungaab ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay si buuxda u maalgelisay waddooyin dhowr ah oo kamid yihiin waddada Shaqaalaha iyo waddada Dabka, halka uu xusay waddooyin kale oo dhismayaashoodu socdaan, kuwaas oo ay ka taageerayaan saaxiibada caalamka.

“Bishii May iyo April waxay Dowladda Hoose ee Xamar ku sigatay inay mushaarka shaqaalaha iska bixin weyso, laakiin saddexdii bilood ee u dambeysay mushaarkii waa la bixiyay, waxaana bixinay malyuumaadkii ku baxayay waddooyin kamid yihiin shaqaalaha, dabka, soobe iyo via Moscow,” ayuu yiri.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa dhawaan u dabaal-degay waxqabadka 100 maalmood ee ugu horreeyay, kaasi oo lagu soo bandhigay guulaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo waddooyin badan oo xariga laga jaray.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News