26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Dekedda Muqdisho oo xiran maalintii labaad + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda Muqdisho ayaa weli xiran maalintii labaad oo xiriir ah, kadib markii ganacsatada ay dowladdu kusoo rogtay canshuur dheeraad ah.

Canshuurtan cusub oo lagu soo rogay badeecadaha dalka la keeno, ayaa waxay ganacsatada ku doodeen in aanay lahayn saldhig sharci, isla markaana aysan jirin heshiis hore oo lagu fulin karo.

Waxay sheegeen in canshuurahaas sharci-darrada ah ay wiiqayaan ganacsiga, isla markaana sababeen hakad weyn oo ku yimid keenista alaabaha daruuriga ah ee Muqdisho.

Hakadka dekedda ayaa dhalisay cabsi ku saabsan suurtagalnimada kororka qiimaha badeecadaha, haddii xirnaanshuhu sii socdo, iyadoo sidoo kale walaac laga muujiyay dhibaato dhaqaale oo si weyn u taaban karta ganacsatada waaweyn iyo kuwa yaryarba.

Arrintan ayaa dhaawaci karta xiriirka ganacsatada iyo maamulka dekedda, taas oo horseedi karta dib u dhac ku yimaada horumarka ganacsi ee magaalada iyo guud ahaan dalka.

Ganacsatada Muqdisho ee shaqo joojinta sameeyay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo hay’adaha ku shaqada leh in si degdeg ah xal loogu raadiyo muranka jira, maadaama ay tahay mid soo laab-laabtay saameyn weyn ku yeelatay ganacsiga dalka.

Sidoo kale waxay caddeeyeen inay bixiyeen wax kasta oo taageero ah oo dowladdu uga baahneed, sidoo kale waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda la xaliyaan culeysyada soo wajaha, balse waxay cadeeyeen in canshuur sharci darro ah aysan dhiibeyn.

Ma ahan markii u horeysay ee dekedda magaalada Muqdisho ay maalmo u xirmato khilaaf la xiriira canshuur kordhin ay soo rogto dowladda, iyadoo horey uu madaxweyne Xasan Sheekh uga balan qaaday ganacsatada in canshuur dambe aan lagu kordhi doonin, kadib markii uu ka codsaday in ay bixiyaan 50% isla markaana ay ka ogolaadeen.

Xasan Sheekh ayaa markaas u sheegay ganacsatada in dowladda ay ku dadaali doonto sidii ay wax kasta ula fududeyn laheyd ganacsatada Soomaaliyeed.

Balse sidii uu Madaxweynaha u ballanqaaday uma dhicin, iyadoo sanad walba ay soo yeerto qeylada ganacsatada ka shaqeeya dekedda iyo dowladda, oo ayadu mar walba soo rogta canshuur dheeraad ah, kuwaas oo ganacsatadu ku tilmaaman sharci darro aan waajib loogu laheyn.

- Advertisement -

Read more

Local News