26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Maxaa laga filan karaa BF oo uu maanta tegayo Xasan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud  uu tego xarunta Villa Hargeysa, si uu u furo Kalfadhigga 7-aad ee Baarlamaanka isaga oo khudbad u jeedin doono labada gole.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa si aad ah isha loogu wada hayaa, iyada oo laga cabsi qabo inay buuq sameeyaan xildhibaannada mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka, maadaama ay haatan taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus.

Sidoo kale waxaa jira guux wayn oo la xiriira mooshin xilka qaadis ah oo ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi barre, kaas oo ay indhawaanahan wadeen xubno ka tirsan Baarlamaanka oo shirar ka kala waday magaalooyinka Muqdisho iyo Niarobi.

Kahor tagista madaxweynaha ee holka, muuqaallo la helay ayaa muujinayo xildhibaannada oo kusii qulqulaya xarunta, iyaga oo wada dhaq-dhaqaaq, maadaama la galayo shaqo adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doono kulanka, taas oo uu uga hadli doono xaaladda dalka, ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo guud ahaan waxqabadkiisa.

Sidoo kale, waxaa madaxweynaha uu soo hadal qaadi doonaa arrimaha muranka siyaasadeed uu ka taagan yahay, sida wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Baarlamaanka kala hadli doono dardargelinta shaqadooda, maadaama la galayo xilli xasaasi ah, loona baahan yahay in la meel mariyo shuruucda loo  gudbiyay, gaar ahaan kuwa quseeya doorashooyinka dalka oo si weyn la’isugu haayo.

Dhawaan guddoonka sare ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa go’aamiyay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka la furo dhammaan bishaan  September, si loo guda galo howlaha shaqo ee horyaallo Baarlamaanka dalka.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa galay fasax dheer, waxaana markii uu dhammaaday fasaxooda hakad sii galay shaqada, sababo ku aadan culeyska siyaasadeed ee dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn isku haya kooxda Villa Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News