War ka cusub dhalinyaraddii Soomaaliyeed ee Kenya loogu xiray ku xad-gudubka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) โ€“ Dowladda Kenya ayaa dammaanad lacageed oo dhan 50,000 shilin Kenyan ah (ku dhowaad $387) kusii daysay labo dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay aflagaaddo u geysteen calanka Kenya.

Labadan carruur ah oo aan qaan-gaarin ayaa lagu wareejiyay qaraabadooda deggen dalkaas, iyadoo maxkamaddu ku amartay in la soo horgeeyo mar kasta oo loo baahdo. Garsooraha dacwadda ayaa sheegay in siideyntooda lagu xaqiijiyay saxiixa labo dammiin, mid ka mid ahna uu yahay muwaadin Kenyan ah.

Agaasimaha dacwad-oogista guud ee Kenya, Renson Ingonga, ayaa ku soo oogay saddex dacwadood, balse dhalinyarada weli kama aysan qaadan racfaan. Maxkamaddu waxay sheegtay in marka hore la sugayo warbixin rasmi ah oo kasoo baxda sarkaalka asluubta si loo xaqiijiyo daโ€™dooda, iyo mid kale oo ka iman doonta sarkaalka daryeelka carruurta oo caddeynaysa xaaladooda waxbarasho iyo sababta ay Kenya ugu sugan yihiin.

Garsooraha Gitau ayaa xafiiska dacwad-oogista ku amray in sidoo kale la hubiyo muddada ay ku sugnaayeen Kenya, maadaama wiilashu ay yihiin 14 jir iyo 17 jir. Maxkamaddu waxay qorsheysay in 8-da Oktoobar 2025 dib loo dhageysto dacwadda, halkaas oo si rasmi ah loogu akhrin doono eedeymaha.

Dacwadaha loo heysto waxaa ka mid ah joogitaan sharci darro ah, waxyeellada sumcadda qaranka iyadoo lagu xadgudbay calanka Kenya, iyo rabshado lagu eedeeyay inay sameeyeen. Inkastoo eedeymahaasi culus yihiin, garsooraha ayaa xusay in ay weli yihiin carruur aan qaan-gaarin oo aan dacwadahaasi si rasmi ah uga jawaabin.

Inta ay maxkamaddu qiimeyneyso xaaladooda, labada wiil ayaa lagu hayn doonaa xarunta ilaalinta carruurta ee saldhigga booliiska Gigiri muddo afar maalmood ah. Garsooraha ayaa sidoo kale amray in maxkamadda loo keeno turjumaan, maadaama aysan fahmin Ingiriisi iyo Kiswahili.

Qareenkooda Ismael Nyaribo ayaa sheegay in wiilashu aysan wax dembi ah galin, balse ay kubbad ciyaarayeen oo aysan lahayn ujeeddo ah inay sharaf dhac u geystaan calanka. Waxa uu ku dooday in arrintaasi aysan noqon karin mid siyaasadeed oo dhex marta Kenya iyo Soomaaliya.

Nyaribo ayaa intaas ku daray in carruurtu Kenya u joogeen inay booqdaan qaraabadooda, ayna hooyooyinkood kasoo safreen Soomaaliya si ay ula socdaan dacwadda lana hubiyo in caruurtoodu caddaalad helaan.

Garsooraha ayaa sheegay in dacwaddan la horkeeni doono mar kale 8-da Oktoobar, isagoo ku celiyay in goโ€™aamada dambe lagu saleyn doono warbixinaha ay keeni doonaan hayโ€™adaha carruurta ee Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News