Jigjiga (Caasimada Online) โ Itoobiya ayaa ku dhawaaqday qorshe mashaariic warshado iyo tamar ah oo ku kacaya ilaa $10 bilyan, kuwaas oo laga hirgelinayo Deegaanka Soomaalida.
Mashaariicdan waxaa ku jira warshad bacriminta ah, warshad sifeynta saliidda iyo ballaarinta kaabeyaasha gaaska dabiiciga ah, sida uu sheegay Raโiisul Wasaare Abiy Axmed Khamiistii.
Abiy, oo qoraallo ku baahiyay baraha bulshada isaga oo ku sugan Gode iyo Calub, ayaa xusay in mashaariicdan loogu tala-galay isbeddel ku yimaadda waaxyaha tamarta iyo beeraha Itoobiya, hoos u dhigidda ku tiirsanaanta wax soo dejinta, iyo kor u qaadidda amniga cunnada.
Mashruuca ugu weyn waa kan Ogaden LNG, halkaas oo Abiy xarigga ka jaray wajiga koowaad oo leh awood sannadkii lagu soo saari karo 111 milyan oo litir gaas la sifeeyay, isla markaana bilow u sameeyay wajiga labaad oo kor u qaadi doona wax soo saar dhan 1.33 bilyan oo litir sannadkii.
Sidoo kale mashruucan ayaa la sheegay inuu soo saari doono 1,000 megawatt oo koronto ah.
โMashruucani ma aha oo keliya gaas. Waa laf-dhabarta dadaallada amniga cuntada dalka, isagoo bixinaya agab muhiim u ah soo saarista bacriminta, sidoo kalena wuxuu xoojinayaa tamarta iyo mashaariicda crypto-mining,โ ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay X.
Mashaariicda kale waxaa ka mid ah Warshadda Bacriminta DangoteโGode oo iskaashi u dhexeysa Ethiopian Investment Holdings iyo shirkadda Dangote Group ee Nigeria, taas oo sannadkii soo saari doonta saddex milyan oo tan bacriminta urea ah. Waxaa lagu quudin doonaa gaas dabiici ah oo 108 km laga soo gudbinayo ceelasha Calub.
Sidoo kale waxaa la qorsheeyay Warshadda Sifeynta Saliidda Gode, oo maalgelinaysa shirkadda Shiinaha ee Golden Concord Group Limited (GCL), taas oo sanad kasta sifeyn doonta qiyaastii 3.5 milyan oo tan saliid ceeriin ah.
Abiy ayaa ku tilmaamay mashaariicdan qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo Itoobiya ku doonayso in ay isu muujiso sidii xarun tamareed iyo warshadeed oo cusub oo Geeska Afrika ah.
โMashaariicdan waxa ay muujinayaan in horumar warshadeed keliya aan la eegin, balse ay astaan u yihiin wadajir, iskaashi iyo nabad waarta,โ ayuu yiri Raโiisul Wasaare Abiy
Khabiirro ayaa qaba in mashaariicdani si weyn u saameyn karaan dhaqaalaha Itoobiya, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhanka maalgelinta, isbeddellada suuqyada caalamiga ah ee tamarta iyo xaaladda amni ee deegaanka Soomaalida oo marar badan wajahay xasillooni darro.