Xasan oo ku dhawaaqay in uusan marnaba aqbali doonin in mucaaradka ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa si adag uga horyimid in siyaasiyiinta mucaaradka ay hub qaataan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marnaba aysan dowladdiisu aqbalayn in hub culus lagu dhex qaato caasimadda, oo hore looga dhaqan-geliyay xeerka xakameynta hubka.

Xasan ayaa si cad u sheegay in isagoo Madaxweynaha dalka ah uusan qaadan gaari uu ku xidhan yahay dhashiike, sidaas darteedna ay tahay in sideeda loogu hoggaansamo xeerka xakameynta hubka.

โ€œAniga oo Madaxweynaha dalka ah, ma qaato gaari uu ku xidhan yahay qori dhashiike ah, cid kalena laga aqbali maayo inay Muqdisho ku dhex waddo baabuur ay qoryo saaran yihiin,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii Jimcaha ee maanta.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu dhawaan magaalada Muqdisho ka dhacay qalalaase amni, iyadoo iska hor imaad u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu dhacay, kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ciidan hubeysan la tageen saldhigga Warta Nabadda.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo iyagu sheegay inay saldhigga u tageen si ay u soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, ayaa ku eedeeyay dowladda inay halis geliyeen naftooda, una adeegsadeen ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa markaas mucaaradka ku eedeysay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan, halka ay sheegtay in siyaasiyiintu ay jabiyeen xeerka xakameynta hubka.

Intaas kadib, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay bannaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka. Bannaanbaxaas oo qorshuhu ahaa in 27-kii bishii hore uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa baaqday, kadib waanwaan laga dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay aad u wanaagsanaa, iyadoo la xakameeyay hubka lagu dhex qaato, isla markaana shacabka caasimadda ay ka nasteen dilalkii tooska ahaa, halka meesha laga saaray qaraxyadii gaadiidka lagu soo rari jiray ee ay fulin jireen Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News