Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay iska hor imaadkii dhawaan ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhacdadaa mas’uuliyadeeda dusha saaray siyaasiyiinta mucaaradka oo ayagu ciidan hubeysan la tagay saldhiga, isagoo sheegay in markaas aysan jirin sabab ku kalifta inay tagaan saldhiga.
“Maalin dhaweyd saldhiga shil ayaa ka dhacay, wax fiican ma aheyn, sideedaba shalay ayay dhacday in aan wixii shalay daba taagnaano wax macno leh sameyn mayso. Walax aad iyo aad u xun ayaa aheyd oo dadka Soomaaliyeed iyo dowladnimada qaban,” ayuu yiri
Sidoo kale waxa uu sheegay in tacadigii ka dhacay xaafadda Siinaay uu amray in tallaabo deg-deg ah laga qaado askartii geysatay dhibtaas, isla markaana lasoo qabtay, oo cadaaladda la horgeynayo.
“In saldhigii la aado iyadoo odeygii la raali geliyay, loona xiray askartii. In saldhiga la tago daw ma aheyn, xitaa sidii lagu tagay daw ma aheyn. Afar askari oo saldhiga joogtay waxaa u furnaa oo keliya in saldhiga ku cararaan oo irida xirtaan ay yeeleen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu intaas kusii daray “Madax mas’uuliyiin shalay soo ahaa, Berrina inay noqdana rabaan, oo saldhigii oo kuwo Shabaab, kufsi iyo dilal ku xiran yihiin in daboolka laga qaado la yiraahdo ama buux ay ka dhex dhacdo sax ma aheyn.”
Madaxweynaha ayaa caddeeyay in askartii tacadiga u geysatay la horgeyn doono maxkamadda, isla markaana aan askari dowlo laga yeelayn in uu ku tacadiyo shacabka uu direyska u xiran yahay.
“Haddii booliska Soomaaliyeed is xakameyn laheyn oo saldhiga dhexda kasoo xiran laheyn, maalintaas meesha musiibo ayaa ka bilaaban laheyn, masiibada marka ay bilaabato ma kontatooli kartida, inta ayna bilaabin fidnada waa hurudaa ninkii ka kiciyay naclad ha ku dhacdo.”
Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dhinacyada kala duwan ee isku haya siyaasadda ay ka shaqeeyaan amniga dalka oo haatan maraya meel wanaagsan.
Dhawaan, hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ayagu sheegay in ay saldhiga u tageen inay soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, ayaa sheegay in dowladda ay halis gelisay naftooda, una adeegsatay ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Dowladda ayaa markaas mucaaradka ku eedeysay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan, halka ay sheegeeen in siyaasiyiinta ay jabiyeen xeerka xakameynta hubka.
Intaas kadib, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka. Banaanbaxaas oo qorshuhu ahaa in maalintii shalay uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday waanwaan laga dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.
Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay aad u wanaagsana, iyadoo la xakameeyay hubka lagu dhex qaato, isla markaana shacabka caasimadda ka nasteen dilalkii tooska ahaa, halka meesha laga saaray qaraxyadii gaadiidka ay ku soo rari jireen Al-Shabaab.