26.3 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Maxaa ka cusub wada-hadallada DF iyo Jubbaland oo maalintii labaad galay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in saaka ay mar kale dib u bilowdeen wada-hadallada wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaddib markii aan wax natiijo ah laga gaarin kulamadii xalay dhacay

Wadahallada hadda socda ayaa ah kuwa xasaasi ah, balse illaa iyo hadda wax horumar ah lagama sameyn, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.

Dhankiisa hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ku adkaysanaya in Dowladda Federaalka ay marka hore aqoonsato doorashadii maamulkaasi qabtay, ka hor inta aan laga hadlin qodobada kale ee muranka dhalinaya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrinta ayaa noqon doonto laba midood in wada-hadalku burburo ama in la soo saaro war murtiyeed lagu sheegayo in kulamada ay sii socon doonaan, la’iskuna soo laaban doono fadhiyo kale.

Xogaha ayaa intaasi kusii daraya in wafdiga dhex-dhexaadinta ee ka socda Kenya, uu gelinka dambe ee maanta ka ambixi doono Kismaayo, kuna laaban doono Nairobi, halka Xasan Sheekh iyo wafdigiisa diyaaradahooda ay fadhiyaan garoonka Kismaayo.

Safarkan Madaxweynaha ayaa yimid, xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan dadaal ugu jira inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imaanaysa gudaha caasimadda iyo maamulada qaarkood.

- Advertisement -

Read more

Local News