28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

DF: Axmed Madoobe wuxuu rabaa inuu 21 sano sii joogo, waa in degdeg la isaga qabtaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, uu wajahayo qorshe dowladeed oo lagu beddelayo hoggaanka maamulkaas.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe muddo dheer hayay awoodda Jubaland, isla markaana la gaaray xilligii isbeddelka, iyo dhammaadkii xukunkiisa.

“Axmed Madoobe wuxuu rabaa inuu 21 sano joogo Jubaland, waa in lala dagaallamo. Maanta ayay ugu dhowdahay inaan ka saarno Jubaland,” ayuu yiri Cumar Cali Cabdi, isagoo hadal adag ku dhaliilaya hoggaamiyaha Jubaland.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isku dayay inuu khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ku dhameeyo xal nabadeed, balse dadaalladaas ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Cumar Cali Cabdi ayaa ku adkaystay in Axmed Madoobe uusan sharci ahaan ahayn madaxweynaha Jubbaland, isaga oo ugu baaqay shacabka deegaankaas inay iska qabtaan oo ay la dagaallamaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in warqaddii lagu amray soo xiridda Axmed Madoobe ay weli shaqaynayso, isla markaana ciidamada amniga ay qaban doonaan mar kasta oo ay fursad u helaan.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland uu cirka isku shareeray, kaddib markii wada hadalladii Kismaayo ku fashilmeen, halka dowladda federaalka ay hadda waddo qorshe ay hoggaan cusub ugu dhisayso Jubaland, iyadoo diiradda saaraysa gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo aaladda fogaan-aragga kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u gudbiyay ashtako ka dhan ah dowladda dhexe.

Sayid Aadan ayaa warbixin dheer ka siiyey mas’uuliyiinta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhibaatooyin uu sheegay inay ka dhasheen tallaabooyinkii ay qaaday Dowladda Federaalka, gaar ahaan xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariicdii iyo adeegyadii bulshada ee ka socday gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaasi kusii daray in cawaaqib xumo ay ka imaan karto haddii aan si deg-deg ah looga hortagin ficillada Villa Somalia ay ka waddo Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay meesha ka saartay dastuurkii heshiiskii lagu wada ahaa, ayna halis gelineyso wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News