26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

DF oo ku dhawaaqday mashruuc ballaaran oo ay ka fulineyso gudaha Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday mashruucii ugu ballaarnaa ee ay ka sameynayso gudaha Somaliland, kaasi oo ah dhismaha wadada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Saylac iyo Boorama.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku socodka shacabka Soomaaliyeed.

Wadadan ayaa ah mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka bulshada, ganacsiga iyo horumarinta gobollada Waqooyi-galbeed ee dalka.

Wasiir Cilmi ayaa sheegay in sahankii wadada uu soo dhammaaday, haddana ay fulinteedu diyaar tahay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dhismaha wadadan uu ka mid yahay mashaariicda mudnaanta leh ee ku jira Qorshaha Horumarinta Qaranka.

“Jidka isku xira Saylac illaa Boorama ayaa dhismaheeda dhawaan bilaaban doonta, oo laami ah ayaa laga dhigayaa. Jidkan waa lasoo dhameeyay daraasaddiisa,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

Wasiir Cilmi wuxuu intaas ku daray in ay jiraan waddooyin yaryar oo laga dhisayo Somaliland, sida jidka magaalooyiinka Oodweyne iyo Hargeysa isku xira.

“Meelo kale oo Oodweyne illaa Hargeysa ah ayaa iyaguna jira oo daraasad lagu wado. Marka mashruucani waa kan horumarinta Afrika weeye. Waxaa kale oo jira mashruuca Nagaad oo horumarinta magaalooyinka iyo biyo-mareennadooda ka shaqeynaya,” ayuu yiri wasiirka.

Inkastoo aan la caddeyn qaabka ay mashruucan Dowladda Federaalka Soomaaliya uga fulinayso gudaha Somaliland, haddana wasiirku wuxuu ku adkeystay inay dalka oo dhan ka shaqeeyaan.

Si kastaba, Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax-bannaan oo ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, ayaa la ogeyn waxa ay ka yeeli doonto mashruucan ay ku dhawaaqday Muqdisho, oo muhiim u ah bulshada gobollada Awdal iyo Salal.

- Advertisement -

Read more

Local News