28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Yaa loo doortay kursiga banaana ee maanta uu buuxiyay Golaha Shacabka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, ayaa waxay doorteen xubin ka bannaanayd guddiga dastuurka ee baarlamaanka 11-aad.

Kursigaan ayaa waxaa uu bannaan yahay muddo sanad ah kadib markii uu iska casilay Xildhibaan Mowliid.

Xildhibaan Cumar Cali Isxaaq (Balash) iyo Xidlhibaanad Luul Ibraahim Cumar ayaa u tartamay buuxinta kursigaan, iyagoo olole xooggan ka dhex sameeyay Xildhibaannada Baarlamaanka ka hor codaynta.

Tartanka kursigan oo u dhacay habka codeynta qarsoodiga ah ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92 cod.

Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo la tartamaysay Cumar Balash ayaa iyaduna heshay 68-cod, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.

Xildhibaan Balash ayaa loo dhaarin doonnaa kursigaan, isagoo haatan wixii ka dambeeya si rasmi ah ula shaqeyn doona guddiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee u qaabilsan arrimaha Dastuurka.

Guddiga Dastuurka ayaa howshiisu tahay la kulanka hay’adaha kala duwan ee wadaagga ay ku yihiin arrimaha dastuurka, marka loo baahdo in loo gudbiyo baarlamaanka ayuu Guddigaan u gudbinayaa Golaha Shacabka oo marinaya habraacyada

Si kastaba, guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka ayaa ah mid door ku leh geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaana howshiisa ka mid ah la-tashiyada hay’adaha qaranka iyo dowlad-goboleedyada, soo gudbinta talooyin iyo warbixinno lagu horgeeyo Golaha Shacabka si go’aan looga gaaro.

Tan ayaa imaneysa xili ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ay weli taagan tahay doodeedu, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac.

Kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli isku haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyadoo doodda mucaaradka ay halkeeda taagan tahay, ayna dalbanayaan in laga laabto wax ka beddelka.

Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ka dalbaday tanaasul dhab ah oo aan leex-leexad lahayn, si ay u guuleystaan wada-hadallada loona soo gaba-gabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.

Inkastoo Xasan uu isku dayayo inuu is-afgarad la gaaro xubnaha mucaaradka, haddana weli ma jiro is-faham buuxa oo labada dhinac ah, xilli uu weli sii socdo qorshaha wax ka beddelka dastuurka, oo si adag u diidan yihiin mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News