27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

BF Soomaaliya oo maanta qabanayo doorasho adag

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa dooranaya xubnaha Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bulshada Afrika (EALA) oo dhawaan ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay, kadib dadaallo dheeraad ah oo ay sameysay.

Xildhibaannada ayaa u codeyn doono musharrixiinta is diiwaangelisay ee doonaya inay ku biiraan Baarlamaanka Dalladda Bulshada Afrika, waxayna ku kala bixi doonaan codaynta labada Gole.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa guddoonka sare wuxuu soo saaray farriin wargelin ah oo loo diray dhammaan xildhibaannada, si ay uga soo qayb-galaan kulanka maanta, maadaama ay jirto doorasho adag oo xildhibaannada dhexdooda ah.

Xubnaha sharraxan ayaa doonaya in buuxiyaan 9 kursi oo Soomaaliya ay ku yeelan doonto Baarlamaanka EALA waxaana saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen xod-xodasho xildhibaannada ah, si uu musharrax weliba u gaaro hadafkiisa ah ku guulaysiga kursiga uu doonayo inuu ku metalo Soomaaliya.

Haddii doorashadaan maanta qabsoonto Soomaaliya ayaa ku guuleysaneyso inay buuxiso kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhin doonto tirada xubnaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, waxaana tirada ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bbariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka hormarinta Bariga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025) oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

- Advertisement -

Read more

Local News