Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay dalka Kenya kadib markii ciidanka booliska ay rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ku adeegsadeen garoon ay iskugu yimaadeen dad badan oo baroor-diiq u sameynayay ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga.
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Vocal Africa ayaa sheegtay in meydadka saddex ka mid ah dadka la toogtay loo qaaday xarunta ugu weyn ee lagu keydiyo meydadka magaalada Nairobi.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabisay in qof afraad uu sidoo kale geeriyooday, xilli saraakiisha amniga ay isku dayayeen inay kala eryaan dadkii ku soo qulqulayay goobta.
Weli lama xaqiijin nooca rasaasta ay boolisku isticmaaleen, balse Vocal Africa ayaa tilmaantay in dadka dhintay ay u muuqdaan kuwo ay haleeleen xabbado toos ah.
Raila Odinga oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu saameynta badan Kenya, ayaa Arbacadii ku geeriyooday dalka Hindiya.
Meydkiisa ayaa Khamiistii subaxnimo la keenay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Nairobi, halkaas oo mas’uuliyiin iyo kumannaan qof ay isugu tageen, taasoo keentay in duulimaadyadii halkaas ka baxayay si ku-meel-gaar ah loo joojiyo.
Odinga oo 80 sano jir ahaa ayaa muddo dheer hoggaaminayay mucaaradka Kenya waxaana dhowr jeer oo uu galay doorashada dalkaas looga adkaaday, gaar ahaan tartamadii ay isku wajaheen madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo William Ruto oo hadda jooga.
Hoggaamiyahan ayaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay isaga oo mucaarad ah, kadib markii uu guuldareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.
Sidoo kale, Raila Odinga ayaa dhawaan u tartamay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaase uga guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socday dalka Jabuuti.
Odinga wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.
Wuxuu Raila Amolo Odinga ku dhashay Isbitaalka Maseno Church Missionary Society Hospital, ee Maseno, Degmada Kisumu, ee Gobolka Nyanza 7 Janaayo 1945. Sidoo kale wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah.
Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.