Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay askar ka tirsan ciidanka Daraawiishta Galmudug ‘ay u goosteen Al-Shabaab’ iyaga oo iska dhiibay deegaanka Ceelgaras ee gobolkaasi.
Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah ‘ciidanka goostay ayaa gaaraya illaa 7 askari’ waxaana ay gudaha u galeen Ceelgaras oo ay hadda gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askartan ay kamid ahaayeen ciidamo cusub oo uu dhawaan tababar usoo xiray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo bilooyin lagu carbinayay gudaha magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale ku warramay in Al-Shabaab ay soo dhaweeyeen ciidamada u goostay dhankooda, iyaga oo kala shaqeeyay inay gaaraan halkaasi.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan ‘askarta uga goosatay dhinaca Al-Shabaab’ oo ay dagaal kulan jiraan ciidamadooda iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana sidoo kale si weyn u hadal haya warbaahinta iyo baraha bulshada.
Su’aallo iyo shaki ayaa ka dhashay sida ay ku suuragashay in ciidan cusub oo dhawaan uun la tababaray ay hal mar u goostaan Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay la dagaalamaan.
Si kastaba, arrintan aaa kusoo aadeyso xilli haatan deegaannada Galmudug ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah, kuwaas oo la doonaayo in Al-Shabaab looga saaro gobollada dhexe.