31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Rag u dhashay IRAN oo lagu xukumay gudaha Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Puntland, ayaa xukuno lacageed iyo ciqaabo kale ku riday 15 kalluumeysato oo u dhashay Iran.

Raggan ayaa lagu qabtay iyagoo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Raas-Casayr.

Mid kasta oo ka mid ah kalluumeysatadaas ayaa lagu ganaaxay $500, waxaana lagu amray in dalkooda dib loogu musaafuriyo.

Maxkamaddu sidoo kale waxay go’aamisay in aan la bixin magdhowga laba nin oo u dhashay Iran oo ku dhintay intii lagu guda jiray howlgalka lagu soo qabanayay kooxdan, iyadoo la sheegay in ay geeriyoodeen xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan ciidamada amniga.

Dhanka kale, laba nin oo Soomaali ah oo la socday kalluumeysatadaas ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,000, halka eedeysane kale oo baxsaday lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo $5,000 oo ganaax ah.

Eedeysanaha baxsadka ah ayaa la sheegay inuu ahaa wakiilkii doonta, kaasi oo lagu magacaabo Saadaam Cabdi Goonyacade.

Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in doontii lagu qabtay howlgalka lagu ganaaxo $70,000, isla markaana maamulka Puntland uu la wareego kalluunkii saarnaa, maadaama si sharci-darro ah looga soo jilaabtay xeebaha gobolka.

Xukunka ayaa imanaya iyadoo si isa soo taraysa looga cabanayo kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland, taas oo saamayn xun ku yeelatay dadka deegaanka ee ku tiirsan kalluumaysiga gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa faro-ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo jariif ah oo gurta kheyraadka badda, kuwaas oo lacago badan ka qaata shaqsiyaad mas’uuliyiin ah ama ku dhow hoggaamiyeyaasha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News