25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

MURUGO: Aabaha qoyskii lagu laayay Galgaduud oo soo hadlay + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Axmed Maxamuud Canshuur oo ah Aabaha qoyskii dhowaan lagu laayay gobolka Galgaduud, gaar ahaan hooyadii iyo saddexdeedii gabdhood ayaa si murug leh uga hadlay xukunka ay ridday Galmudug ee ka dhanka ah ragga loo soo qabtay falkaasi oo ay si weyn uga aragaxeen dadka Soomaaliyeed.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa oo xukunka soo saartay ayaa sheegtay in aan la helin caddeymo dhab ah oo muujinaya in eedeysanayaasha oo kala ah Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi ay geysteen dilka Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo gabdhaheedii Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed, waxayna iyada oo taas ka duulaysa ay xukuntay Cabdi Cisman iyo Galad Axmed tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano ah.

“Maxkamadda marka ay dhageysatay doodda xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Galmudug iyo cadeymaha uu soo gudbiyay, maxkamadda markay dhageysatay difaaca qareennada eedeysanayaasha, waxay maxkamaddu ku xukuntay tacshiir shan sano ah oo xabsi ah,” ayuu yiri Garsooraha maxkamadda ee xukunka la wadaagay warbaahinta.

Intaas kadib waxaa soo hadlay Axmed Maxamuud Canshuur oo cadaalad darro ka tirsanayo Maxkamadda, wuxuuna sheegay in arrinta dhacday ay fool xumo ku tahay Galmuudg

“Waxaan u sheegayaa dadweynaha i dhageysanaayo oo Soomaaliyeed arrintaan waa arrin fool xun waa arrin aan dhicin aniga macnaha dadkeygii wuu dhintay, laakiin dadka nool ee Soomaaliyeed inay saameyn ku yeelato ayaan u maleynayaa” ayuu yiri Aabe Axmed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan fileyn go’aanka soo baxay, uuna halis u keeni karo dadka walaalaha ee wada dega gobolka Galgaduud.

“Anagga oo cadaalad sugeyno ayaa waxaa nagu dhacay kitaabkan mar, marka aad martana diyaa laguu xukumaa arrintaas aniga kamaleysan mayn dowladda Galmudug” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray Madaxweyne Qoor Qoor oo uu ka codsaday inuu arrintan soo faraglieyo, isla markaana uu wax ka qabto kiiskan, si ay cadaalad u helaan saddexdiisii gabdhood iyo hooyadood oo si arxad darro ah loogu dilay aaga Qaayib.

“Aniga waxaa u haystaa dadkaan Madaxweynaha fasaxay, haddii uusan fasixin waxbuu ka qabanayaa weliba si degd deg ah” ayuu mar kale yiri Aabe Axmed Maxamuud Canshuur.

Hooyada iyo carruurta la laayay ayaa xilliga la dilayay hurdaayay, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaad hubeysan oo kadib baxsaday, waxaana kadib falkaas loo soo qabtay saddexda sane ee ay shalay xukunka ku ridday Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

Inkastoo si rasmi ah aan loo xaqiijin, haddana waxaa soo baxayay tan iyo markii uu dhacay dilka, warar sheegaya in uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

- Advertisement -

Read more

Local News