25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Guudlaawe oo sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto soo saaray ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, isaga oo magacaabay guddoomiye cusub.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ay aragtay Caasimada Online ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan waxaa loogu magacaabay Mudane Maxamed Carab Xuseen Maxamed.

Magacaabistan ayaa ku timid talo soo jeedin kasoo baxday Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ay is hayeen guddoomiyaha xilka laga qaaday Muuse Salaad, kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf xooggan oo banaanka usoo baxay.

Maxamed Carab oo ah ninka hadda loo magacaabay Hiiraan ayaa isna horay u soo noqday guddoomiyihii guddigii soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu aheyd HirShabelle sanadkii 2021-kii, waana nin aad ugu dhow Madaxweynaha.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan HirShabelle ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, maadaama la galayo xilli kala guur ah oo doorasho, waxaana weerarka ugu wayn uu ku socdaa Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale waxaa xalay kulan ay albaabada u xirnaayeen yeeshay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee maamulka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale labada mas’uul waxay si gaar ah diiradda ugu saareen sidii wax looga qaban lahaa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Jowhar, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay bilaabeen xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in kulanka sidoo kale looga hadlay arrimaha doorashada, maadaama waqtigeeda lagu dhawaanayo iyo amniga Jowhar, si loo adkeeyo loona xakameeyo dhaqdhaqaaqa ciidanka iyo in hub lala soo galo magaalada.

Horay HirShabelle ayaa usoo saartay go’aan culus oo lagu mamnuucay in hub lala soo galo Jowhar, iyadoo ciidamada Booliska lagu amray inay ka hortagaan cid kasta oo halis ku ah amniga, taas oo muujineyso in maamulka uu ka hortagayo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qorsheysay in doorasho laga qabto maamul goboleedyada dalka, sida HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo la filayo inay ka dhacaan isbedallo waa wayn, maadaama la galayo tartamo adag.

- Advertisement -

Read more

Local News